Fanaan Axmed Naaji Sacad”Mudo 21 Sano ah ayaan dalka ka maqnaa “
Muqdisho-MMedia-Fanaanka caanka ah ee Axmed naaji Sacad ayaa muqdisho soo gaadhay isagoo ka maqnaa mudo badan tan iyo xiligii ay dhacday dawaladii maxamed siyaad bare ,xiligaasina uu ahaa fanaaninta dalka isagoo ka kamdi ahaa fanaaninta ugu cad cad Somaaliya.
Ustaad Axmed Naaji Sacad oo ah Fannaan, Mulaxan, Musikiste, iyo Abwaan ayaa duhurnimadii maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha Muqdisho kadib 21 sano oo uu dalka ka maqnaa ,Axmed naaji waxaa uu soo saaray heesta uu warka kusoo galo Radiomuqdisho xilgii ay ka shaqayn jireen wakhtigaasi isla markaana sheegay in uu aad ugu farxo in dib losoo celiyo warbaahintii Qaranka Somaaliyeed isagoo u waramay Radiomuqdisho ayuu hadalkaasi sheeegay.
Axmed Naaji oo ka mid ah faanaaniinta Soomaaliyeed ee xilligan nool kuwooda ugu da’da weyn ayaa hadana lagu xasuustaa kaalintii uu ka soo qaatay horomarinta fanka Soomaaliyeed.
waxaana sidoo kale uu sameeyay muddadii uu dalka ka maqanaa heeso farabadan oo wadani ah oo uu ku muujinayay sida uu uga xunyahay dhibaatada dalka ka dhacday kuna baraarujinayay ummadda Soomaaliyeed.
Fanaanka Axmed Naaji Sacad ayaa la filayaa mudada uu joogo Muqdisho in la kulmo fanaaniinta iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Muqdisho,waxaana uu ka mid ahaa fanaanintii kacaanka Somaaliyeed isagoo ka mid ahaa fanaanintii aadka loga yaqanay Somaaliya .
Maakhir Media Muqdisho
