Xildhibaanada Baarlamanka Somaliya oo markale gacanta is daray dhawacna isu gaystay
Muqdisho-MMedia-Xildhibaanada Baarlamanka aya amaanta markale isu gacan qaaday iyadoo ay isku afgaran wayeen xilkaqaadista Gudoomiyaha Baarlamanka Somaaliya ,wararka ka imaanaya muqdisho ayaa sheegaya in xildhibada 3 kamida ay ku dhawacmeen isku dhacii gacan qaadka ahaa ee maanta dhex maray xildhibaanada .
Xildhibaanada ayaa isku gacan qaaday markii uu soo galeen fadhiga baarlamaanka xildhibaano uu hoggaaminaayo guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Cabdi Sheekh Muudeey.
Waxaana siddaas ku dhacay gacan ka hadal u dhexeeya xildhibaanada Taageersan baarlamaanka iyo kuwa ka soo horjeeda
Sida uu Afhayeenka baarlamaanka in guddomiye ku xigeenka baarlamaanka uu bilaabay dagaal kadiba halkaasi ay ka bilaabatay dagaalka xildhibaanada.
Waxa kaloo uu sheegay in xarunta ay fadhiyeen xildhibaanada ka soo horjeeda Guddoomiyaha baarlamaanka oo dhawaana ay xilka kaa qaadeen,waxa uu sheegay in maanta laga doodi rabay mooshin ku saabsan sidda loo sameen karo guddiyo ka soo talla bixiya qaabka loo dooran karo guddoomiye cusub.
Xildhibanada qaarkooda ayaa waxa ka socday dhiig iyadoo sidoo kalena la sheegayo in ay xaaladu meel xun ka gaadhay labada dhinac waxaana kadib soo dhex galay ciidanak amanka oo goobta bananka ka joogay .
Dhawaan ayay ahayd markii ay xildhibaanada Baarlamanka qaybtood ka qaaeen xilkii Gudoomiyaha baarlamanak Somaaliya Shariif xasan shiikh aadan oo minka ku sugan magaalada garowe waxaan ay isku dhacan ayaa noqonaya kii labaad ee dhaca intii ay xildhibaanada baarlamanka sheegen in ay xilka ka qadeen afhayeenka Baarlamanka.
Maakhir Media Xafiiska Muqdisho
