|

Shirkada wada tashiga Somaliya oo gordhow ka furmi doona Garowe iyo Raysal wasaraha oo Kuso foole Garowe

Garowe-MMedia-Wararka ka imaanaaya magaalada Garowe ayaa sheegaya in shirka wada tashiga uu furmi doono saacadaha soo socda iyadoo ay wararku sheegayaan in  la sugayo  Raysal wasaraha Somaaliya iyo u qaabilsanaha Somaaliya QM Mahiga oo ka imaan doona magaalada muqdisho saacadaha soo socda.

iyadoo ay ku sugan yihin madaxwaynaha Somaliya Gudoomiyaha Baarlamanka iyo Golaha wsiirada xildhibaano DKMG ee Somaaliya kuwaasi oo ka qayb galaya shirka oo furmaya saacada nagu soo aadan.

Amaanka magaalada Garowe ayaa si aada loo adkeeyay iyadoo ay ciidamda amaanka puntland ilaalinayaan amaanka waxaa sidoo kale qayb ka ah ciidamada AMISOM oo amaanka lawada wareegtay qaybtood  .

Wixii kasoo kordha wararka garowe ka imanaya iyo furitaanka shirka waan idin soo tabin doonaa.

Maakhir Media Garowe

Comments are closed