|

Xafladii Dhaqaale Uruurinta Maakhir University ee London+Sawiro

London(MMedia) Habeenkii Sabatida Taariikhduna ahayd 17/12/2011 waxa Xaflada wayn oo ay kasoo qayb galeen Aqoonyahano Soomali iyo Ajinabi isugu jiraa ka dhacday Magaalada London Xafladaas oo Dhaqaale loogu Uruurinayay Maakhir University ee ku taal Magaalada Badhan  waxaana kasoo qayb galay dadweyne aad u tiro badana Xafladan oo loo soo agaasimay si heer sare ah ayaa waxa soo xaadiray bahda saaaafada gaar ahaan Tvyada waxana daadihinayay Majaajileeyahay ugu caansan Magaalada London Mr Sahal Gaab

Ugu horay waxa Xaflada lagu Furay ayaadaha Quraanka kariimka ah waxaana akhiryay Maxamed Maxmuud Cali intaa ka dib waa la gudagalay furitaankii oo uu hadal ka kasoo jeediyay Gudoomiyaha qabanqaabda Xafalda Khadar Maxamed Gaas waxaanu u mahad caleiyay kasoo qayb galayaashii iyo dhamaan cid alaale iyo cidii gacan ka gaysatayba waxa kale oo u mahadnaqay Xawaalda Amal Express iyo Horn Of Africa Community oo qayb libaax leh ka qaatay qaban qaabanda Xaflada

Inkastoo dadkii loogu talagay inay Xaflada ka hadlaan ay aad u badnaayeen hadana umay suura galin inay ka wada hadlaan madaama wakhtiga Xaflada la bilaabay uu ciriiri ahaa waxaana ugu horayn Xaflada lagu soo dhaweeyay wakiilka Xawaalada Amal Express waxaanu qaban qaabiyayaashii uga mahadnaqay sida wacan ee ay usoo agaasimeen Xaflada waxa kale oo uu sheegay inay ka xawaalad ahaan ka qayb qaadan doonaa dhismaha Jaamacada oo aanay ku ekaan doonin wixii ay hada bixiyeen.

Dr  C/raxman Aakhiro oo ah Dhakhtar dhinaca lafaha ku takhasusay ayaa aad uga hadlay qiimaha waxbarashadu lee dahay gaar ahaan faca hada soo koraya ee aan la kowsan dowlad inay helaan waxaanu aad ugu baraarujiyay ganacsatada soomaaliyeed inay gacasiiyaan dhalaan aan nasiib u helin inay ka faaiidaystaan dowlad u sahasha waxbrasho lacag al,aan waxa kale oo uu sheegay inaanay haboonayn in lagu dul dagaalamo Caruuru aan awoodid inay helaan nolol wanaagsan sida ay u nool yihiin caruurta kale ee caalamka ku nool yihiin waxa kale oo aad uga warmaya muhiimada ay lee dahaya Jaamcada Maakhir Uniersity iyo sida dadkeedu ugu heelan yihiin inay jka qayb qaataan dhismaheeda iyo dhaqaale uruurinteedaba waaanu aad ugu amaanay sida dadwaynaha reer Badhan ugu guntadeen inay iska wax uq abso wax ku distaan Jaamacada oo aanu ka daalacao Tvyada iyo websitayadaba.

Waxa madashii lagu soo dhaweyay Eng C/laahi Maxamed Xasan oo ahaa waftidii ka soo kicintintay Dalka maraykankan kana mid ah Gudidad jaamcada Maakhir University waxaanu si qoto dheer uga waramaya heerarkii ay soo martay Jaamcada Maakhir University iyo Faaiidada ay u lee Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool Sanaag iyo Bariba waxaanu ka sheekeeyey sababihii dhaliyay in la furo Jaamacda Maakhir isagoo ka tibaaxay in ay ka jiraan Goboladaas aan kor kusoo xusnay baahiyo Jaamacdadeed madaama ay bateen Dugsiyadii sare ee ka jira Goboladas oo gaaraya ilaa 15 Dugsi kuwaasoo ardada ka soo baxdaa ay jaamacada u doonana jireen Gobolada kale ee Soomaaliya taasina ay ku noqotay caqabad xaga dhaqaalaha iyo noloshuba waana ta sababtay in la aas aaso Jaamacada Maakhir waxa kale oo uu sheegay in ilaa hada aanay jirin Maamul iyo hayado wax ka gaystay dhismaheeda iyo dhaqaale kale toona marka laga reebo Qurba joogta iyo dadka gudaha oo iska kaashada mooyee

Eng C/laahi ayaa aad ugu mahad celiyay qabanqaabiyaaasha Xafladan iyo intii kasoo qayb gashayba waxaanu ku dhiiri geliyay in intaa laga sii badiyo oo aan halkaa lagu ekaan madama baahida jaamacadu aanay weli dhamaan waxaanu hambalyo u diray shacabka degan Maagalaada Badhan oo uu tilmaamay inay horseedeen wax lagu dhiirado dadkana gelin karta nayaayiro aad u wanaagsan qurba joogana looga baahan yahay inay gacan wax ku oola ka gaystaan iyo  sidii loo raageeri lahaa dismaha hada ka socda Maagalada Badhan

Waxa sian hadal kooban ka soo jeddiyay Mudana Anwar  Adan oo ah Gudoomiyaha Communitiga Horn Of Africa ee Magaalada Lonodn qayb libaax lehna ka qaatay Xafladan waxaanu Anwar hadaladiisii ku bilaabay waxaan aad ugu faraxsanahay Mashruucan ku saabsan dhismaha Jaamacada Maakhir kasoo hada ka socda Magaalada Badhan waxaanan idin sheegayaa inaan wixii karaan kayga aan ka gaysan doono dhismaha Jaamacada ilaa inta ay ka hirgalayso waana mid inawada saran ka qayb qaadashadeda madama waxbarashadu tahay udub dhexaadka nololosha qof kastana ay ku tahay waajib mid degan iyo mid kaleba

Waxa kale oo isna madasha hadalo aad u qiima badanka soo jeediyay Cornel Maxamed Cabdi Qaac oo ka waramay taariikhii ay soo martay waxbarashadii soomaaliya iyo sidii ay usoo kacaa kuftayba waxaanu mahad u jeediyay intii ku fekertay aas aaska Jaamcada iyo inta jecel ka qayb qaadashadeeda isagoo hoga tusaaleeyay Faaiidada waxbarashada ay lee dahay inay ka mid tahay waxa  qurbaha inay keenay inay tahay inaynu nolo usoo raadsanay inaga kasoo yaacnay dalkeenii dagaalo iyo jahli hareeyay si aynu u helo nolol ka wanaagsan taynu ka nimi waxaana lagu gaari karaa waa aqoon. waayo aqoontu iyada ayaa hagta nolosha xasiloon jahliguna waxa uu fure u yahay fakhriga iyo nabad gelyo darida

Cornelka ayaa ugu baaqay kasoo qayb galayaashii Xaflada inay maal iyo maskaxba uga qayb qaataan sidii maakhir university cagaheeda ugu istaagi lahayd si jiilalka soo koreyaan uga Faaidaystaan waxaanu ishaaray inay hada jaamacadu hayso tubtii toosnayd

Halkan laguma soo koobi karo hadaladii Xafladaas laga jeediyaya waxaanu hadal ka kusoo koobay Cornelku waxa shacabka Badhameed bilaabeen iska wax uqabso meel fiicana waymarinayaan qurba jogtana waxa looga baahan yahay  kaalintii ay ku aadi lahaayeen

Sir Maxamuud oo ah Fanaan ka mida kuwa London ayaa hadal ka jeediyay madasha waxaanu aad ugu dheeraaday sida y u taageersan yihiin dhismaha Jaamacada waxaanu yiri sababta i keentay halkan caawa waa sidan uga qayb qaadan lahaa Maakhir University dhismaheeda sababtoo ah ma garan karo beri ka maalin in ilmahaygu u aayi doona Jaamacada qofna ma oga meesha uu ku danbayb doona iyo inaan dhiirigeliyo sidii loo dhamaystiri lahaa baahida Jaamacada waxaanuu aad ugu mahadceliyaya intii xilka iska saaraty inay soo ababulaan Xafladan qiimaha Badan leh ee kulmisay Aqoonyahan isugu jira Soomali iyo ajeenbiba Abwaano Dhalinyaro iyo waayeelba waxaanu aad ugu mahadnaqay Waftiga uu hogaaminayo Abwaanka wayn ee Siciid Saalax ee ka soo kicitimay Magaalada Minneapolis

Gabagabadii waxa hadaladii soo gunaanaday oo lagu soo dhaweeyey abwaan Siciid Saalax oo ah Macalin wax ka dhiga Jaamacada Maraykan ah waxaana abwaanku ku dheeraaday waxbraashada iyo sida uu u jecel yahayba waxaanu abwaanku ka sheekeeye nuxurka ay leedahay ka faa,iidaysiga waxabarashada asal ahaaneed waxaanu hadba si xikamadaysan kazoo qayb galayaashii ugu sharaxayay jaran jarooyinkii ay soo martay waxbarashada iyo hadba sidii loo kobconayay ayadoo ay aad ugu riiyaaqeen dadwaynohii xaflada kazoo qayb galaya sharxaada abwaanka iyoo xiisaha loo qabayba wuxuuna markii danbe aad u taabtaya Maakir University iyo baahida jirta ee ay u baahan taha in la daboolo waxaanu yiri” horta aniga Abwaan ayaa laygu yeeraa laakiin waxaan ka jeclahay Macalin oo aan iminkaba ahaya macalin wax ka dhiga Jaamacad ku taala USA taasiana waa mid cadaynaysaa sida aan u jeclahay waxbarasgada mana  jecli inaan ka dhexbaxo asxaabata tacliinta waayo waa naas irmaan oo aan gudhayn weligii ka dibna Abwaanka ayaa aad ugu mahadnaqay Haweenkii kazoo qayb galay Xafalda isagoo sdheegay inay iminka haweenku noqdeen hormuudka horumarka dalka  waxaanu sheeko kooban ka sheekayay oo yiri Abwaanku “hooyo Soomaaliyeed ayaa gabar yar oo  ay dhashay ku tiri dhowr goor hooyo iska ilaali waxan dhulka ku dhacay ee aad cunaysid waa jeermise hadii aad cuntu waad ku xanuunsanaysaaye ka din gabartii yarayd ayaa ku tiri hooyadeed oo ayaa ku baray inaan ku xanuunsanayo dabadeedna hooyadeed ayaa ugu jawaabtay waxaan bartay markii layga qaadayyay imtixaankii hooyanimo ayaan bartay waanan ku baasay ka dibna yartii ayaa tiri oo kuwii kau dhacay imtixaanaka ayaa aaboyaal laga dhigaya miyaa” waxaana halkaa qosol dhacay dhamaan kazoo qayb galayaashi waxaana halkaa ku dhamaadaya qaybtii hore Xafalda waxaana la guda galay qayb labaad oo ahayd Madadaalo

NB: Sawiro intan ka Badan ayaan soo wadnaa haka dheeraan Maakhir Media

Iyo Barnaamijkii Xaflada o dhamaystiran Naga Filo dhawaan insha alaah

 

 

Maakhir Media London

Comments are closed