Tartankii Gobolada Somaliland oo Soo Gabagaboobay
Hargaysa(MMedia) Xulka gobolka Maroodi-Jeex ayaa ku guulaystay tartamadii Ciyaarihii kala duwanaa ee Kubadda Cagta, Kubadda Kolayga iyo Orodada oo lagu qabtay Magaalada Burco, kuwaas oo maalintii shalay Ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Kubadda Cagtu ay ku dhexmarta Garoonka Alamzey iyaga iyo gobolka Hawd oo ay kaga badiyeen 1 iyo 0 ay guushu ku raacday gobolka Maroodi jeex.
Ciyaartaas labada gobol shalay ku dhex martay garoonka Alamzey ee gunaanadka u ahayd Ciyaaraha gobollada dalka ee 18 maalmood ka socday Burco ayay labada kooxoodba ku soo bandhigeen Ciyaar wanaag, isla markaana ay labada xul weerar iyo weerar celin isku caabiyayeen, ayaa qaybtii hore ee Ciyaarta wiil ka tirsan xulka Maroodi jeex uu shabaqa Hawd gundhada ku jaray goolkii u horeeyyay, goolkaasi oo uu dhaliyey Ciyaar-yahanka numberka 18-aad sitay oo la yidhaahdo Cabdi-Riyaad, isla markaana Ciyaartii ku dhamaatay 1 iyo 0, kaas oo xulka Matroodi-jeex u suurto geliyay inay ku guulaystaan koobkii labaad ee Ciyaaraha gobollada Somaliland.
Ciyaartan ayaa ahayd mid aad u xiiso badan, isla markaana aad u adkayd ayaa dadweyihii daawadashada ciyaartan ka soo qeyb galay iyo dadka shaashadaha warbaahinta kala socday ay aad uga mabsuudeen Ciyaartaasi, taas uu ka soo qayb galay Madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Wasiiro ka tirsan xukuumadda, Marwada koowaad iyo Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka.
Ciyaartan waxa kale oo ka soo qeyb galay kumanaan qof oo ka mid ah shacbiga ku dhaqan Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer iyo dadweyne tiro badan oo ka yimid Magaalada Hargeysa iyo gobollada kale ee dalka, kuwaasi oo kala taageerayay labada gobo lee Ciyaartu dhexmartay
Waxa kale oo garoonka kubadda cagta ee Alamsey magaalada Burco ka socda damaashaad weyn, ka dib markii Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo ) uu koobkii horyaalka kubaddaha cagta iyo Kollayga gudoon siiyay xulka gobolka Maroodijeex.
Xulka gobolka Hawd-na waxa la gudoon siiyay koobkii labaad ee tartanka ciyaaraha goboladda.
Sidoo kale, xulka gobolka Hargeysa waxay xalayna ku guulaysteen koobkii kubadda kollayga ee tartanka ciyaaraha gobolada oo ay ciyaartii kama dambaysta iskaga hor yimaadeen.
Maakhir Media Burco
