|

Allaha U Naxariistee Wariye C/salaan Xiis Oo Muqdisho Lagu Aasay

Muqdisho-MMedia-Allaha u naxariiste Wariye C/salaan Sheekh Xasan Xiis oo shalay Muqdisho lagu dilay ayaa maanta lagu aasay isla Muqdisho.

Aaska wariye C/salaam Sh. Xasan Xiis Allaha u naxariistee waxaa ka qeybgalay kumannaan dadweyne ah iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, iyadoo salaaddii Janaasada lagula tukaday Masjidka isbaheeysiga Islaamka.

Wariyaasha ka howlgala Muqdisho oo isugu jira rag iyo haween ayaa si weyn uga qeygalay aaska iyo janaasabada C/salaam Xiis iyagoo muujinayay sida ay uga xunyihiin dilka loo geystay walaalkood qaaliga ahaa, waxaana ragga wariyayaasha ah ee ka qeybgalay aaska ay madaxa ku soo xirteen maro guduudan halka gabdhuhuna ay sidoo kale xirteen wedh cad ama asaay, taas oo ay ku muujinayaan sida ay uga xunyihiin dilka walaakood Xiis oo magac iyo maasuusba ku dhex lahaa bulshada Soomaaliyeed.

Dilka C/salaan ayaa qeyb ka noqonaya dilalkii hore loogu geystay suxufiyiin ka howlgalayay Muqdisho iyadoo taasi muujineyso in ay wali sii socoto gumaadka wariyayaasha ka howgala dalka gaar ahaan Muqdisho.

Radio Muqdisho

Maakhir Media Muqdisho

 

Comments are closed