Madaxwayne Shiikh Shariif oo garowe lagu soo dhawayay kadib saacada ka hor markii uu halkasi gaadhay
Garowe-MMedia-Madaxwaynaha DKMG ee Somaliya ayaa gaadhay magaalada Garowe ee caasimada Puntland halkaasi oo si wayn loogu soo dhaweeyay mas’uulyiinta iyo shacabka reer Puntland oo uu horkacayo madaxweynahooda C/raxmaan ‘Faroole’. isaga iyo wafdigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay.
Soo dhawayn aad u baladhan ayaa loo samayey Madaxwayne Shiikh shariif iyadoo amaanka Caasimada si aada loo adkeeyay kaidb waxaa loo soo galbiyay dhanka magaalada iyadoo shacabka reer garowe ay taagnaayeen laamiyada waxana ay luxayeen calanka Somaaliya iyo kan astaanta u ah puntland.
Amaanka magaaladaasi ayaa si weyn loo adkeeyay iyadoo ciidamada amaanka maamulkaasi oo gacan ka helaya shacabka ay ku guuleeysteen xaqiijinta amaanka halka mas’uuliyiinta maamulkuna ay magaalada u diyaariyeen wax walba oo suurtagal ka dhigi kara qabsoomida shirkaasi.
Madaxwayne shiikh shariif aya agarowe u yimi si u indh indheeyo xalaada magaalada Garowe iyadoo la filayo in shirku halkaasi dib uga furmo madaama uu hakad galay
wixii war ah ee ku saabsan imaanshaha madaxwaynaha waan idin soo gudbin doonaa insha alaah.
Maakhir Media Garowe.
