Maxamed Xasan C/lahi Jidif Taliyaha Cusub ee ciidanka Somaliland oo xilkii la wareegay maanta
Hargaysa-MMedia-Waxaa maanta xilkii si rasmi ah ula wareegay Taliyaha Ciidanka Qaran Maxamed xasan C/laahi Jidhif ee uu dhawaan magacaabay madaxwaynaha Somaliland Axmed maxamed maxamuud silaanyo kadib markii uu xilka ka qaday taliyihii hore Nuux ismail Taani.
Munaasabad si aada loosoo agaasimay oo ka dhacday xarunta Taliska guud ee Somaaliland waxaan kazoo qayb galay wasiirka Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali cadami ,Saraakiisha ciidanka ,Taliyahii Hore ee cidanka Somaliland Nuux Taani.
Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay Taliyihi Hore ee ciidanka Somaaliland Nuux taani wuxuuna ka sheekeeyay waxqabadkisi isagooo sheegay in ay waxqabad wayn sameeyeen intii uu xilka hayay ,sidoo kale waxa uu sheegay in amaanka aad loo adkeeyay ciidankuna ay mushaharka qaataan bilkasata mushaharkana uu u kordhiyay madaxwayanaha Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo sidaasi waxa yidhi taliyihi hore Nuux taani.
Sidoo kale waxaa isna goobta xil wareejinta ka hadlay Taliyaha cusub mr Maxamed C/laahi waxaana uu aad ugu mahad naqay taliyihii hore isagoo ka sheekeeya waxyaalihii uu qabtay.
Ugu danbaytiii waxaa isna meesha ka hadlay wasiirka gaashaandhiga ee Somaaliland axmed xaaji cali cadami oo ka hadlay in ciidamadu ay wada shaqeeyaan.
Kadib qudbado halkaasi laga soo jeediyay waxaa xilkii wareejiyay Taliyihii Hore ee ciidanka Nuux Taani isago ku wareejiyay Taliyaha Cusub Maxamed Xasan C/laah.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii madaxwaynaha somaliland axmed maxamed silaanyo uu xilka ka qaaday taliyihii hore ee ciidanka nuux taani iisagoo u magaacaby maxamed jidhif oo manta xilka la wareegay .
Maakhir Media Hargaysa.
