Raysal Wasaaraha Somaliya Mr Gaas”Shirkii wada Tashiga ee ka dhici lahaa Garowe wuu baaqday”
Muqdisho-MMedia-Raysal wasaraha ayaa ka hadlay arima badan oo khuseeya Xilkiisa iyo wasiiradiisa isagoo sidoo kalena ka halday shirka garoowe iyo xaalada dalka uu ku jiro.
Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Raysal wasaare C/wali uu sheegay in shirkii wada tashiga ee Garowe ka dhici lahaa aan la qaban dooni mudo kooba mar uu la ka hadlayay Warbaahinta Dawlada.
“Markii aniga la’imagacaabay baarlamanka waxaan horgeeyay qorshe Siyaasadeed iyo barnaamijka xukuumadda haddana muddo Afar bilood ah ayaa noo dhamaatay waxaan rabaa in shacabku ogaado waxqabadka xukuumadda ee Mudadii Afarta bilood aheyd ee aan shaqeeyneynay si ay ula socdaan muhiimadda Barnamijkanna wa in shacabku si dhab ah ula socdaan Shaqadeenna”ayuu yiri R/wasaare C/weli.
R/wasaare C/weli oo la weeydiiyay waxa uu ka yeelayo haddii ay soo baxaan dhaliilo ay dadweynahu u hayaan wasaaradaha qaarkood ayaa sheegay in ujeedada ugu weyn ay tahay in ay kala baxaan wasiirada gutay waajibka qaran iyo aan gudan isla markaana lala xisaabtami doono kuwii aan shaqadooda ugu gudan sidii loogu baahnaa cudur daar la’aan.
Raysal wasaaraha ayaa isagoo saxaafada la sii hadlayay sheegay in shirka wada tashiga Somaalida uu dhici doono xili munasab ah oo uu dhici karo shirkaasi waxaana uu ka gaabsaday in shirka uu baahan yahay in si wayn looga qayb galo amaaankana la adkeeyo.
Isku soo wada xooriyo shirkii wada tashiga ahaa ee ka dhici lahaa Garowe ayaa waxaa ku yimi hakad iyadoo wararku sheegayaan in shirkan hakad ka ku yimi uu sabab u yahay khilaafka xildhibaanada ka taagan .
Maakhir Media Muqdisho.
