|

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland oo xadhiga ka jaray Bandhig carweed mudo 5 Cisha ah socondoon+SAWIRO

Hargaysa-MMedia-Waxaa manta laga furay magaalada hargaysa ee caaasimada Somaliland Bandhig carweed loogu magacdaray Somaliland Business  Fair  oo lagu soo bandhigayo waxyaalaha dalka lagu sameeyo iyo kuwa dalka soo gala iyadoo sidoo kale soo ay kazoo qayb galeen shirkado kala duwan oo ajinabi

Carwadan ayaa waxaa xadhiga ka jaray Madaxwayne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi ismail Saylici  sidoo kalena waxaa kazoo qayb galay wasiirka Gancsiga,Maaliyada  ,Waxbarashada,Qorshaynta,Beeraha , shirkadaha waawayn ee Dalka ,Kuwo caalami ah oo ka yimi wadama jaarka ah iyo Asia iyo Bulsho aad u badan.

Bandhig carweedkan waxaa hindisaheeda lahaa  dhalinyaro qurba jooga  oo ay gudoomiye u tahay Amaal .

Waxaa ugu horayn halkaasi ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Somaliland Business Fair Cali Mahamed Yusuf  oo sheegay sababtii ka danbaysay in ay cawadan furan .

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Wasiirka gacsiga Somaliland C/risaaq  Khaliif Yusuf  isagoo si aada ugu  mahadnaqaya dadkii soo qaban qabiyay  bandhig carweedkan .

Dad badan oo kamida ahaa masuuliyiintii shirkadaha waawayn ee  ka qayb qaatay bandhig carweedkan ayaa ka hadlay goobta Carwada iyagoo ka hadlayay shirkad kasta waxay soo bandhigatay dhanka  Tv-yada  Somaliland waxa kamid noqday  TV-ga Horn Cabal  oo soo bandhigay waxqabadkiisa.

Hadaba aan mid iyo laba kazoo qaadano shirkadaha waawayn ee ka jira Somaliland aan ku horayno shirkada Dahabshiil oo u hadlayo  C/rashiid max’ed Siciid …..Dhanka shirkada Somcabelna waxaa Masuul kamida masuuliyinta shirkadaaasi.

Ugu danbaytii waxaa halkaasi ka hadlay Madaxwayne ku xigeenka Somaliland oo si aada ugu mahadnaqay  dadkii ka danbeeyay  hindisaha carwadani .

Carwadan manta laga furay Somaliland ayaa soconaysa mudo Shan casho ah taasi oo loogu tala galay in shirkadaha waawayn ee  dalka ka jiraa ay kusoo bandhigaan waxqabadkoodii iyo kuwo ajinabi ah oo ka yimi wadamada Caalamka oo iyana halkaasi kusoo bandhigay qalab aad u kala duwan sidoo kale inta carwadani soconayso waxay shirkad kastaa kusoo bandhigaysa  wax soosaarkeeda .

Isku soo wada xooriyoo Carwadan ayaa ah tiii ugu waynayd ee ka dhacda Somaliland waxaan soo qaban qaabiyay oo hindisaheeeda lahaa Dhalinyado qurba jooga oo udhashay Somaliland goobta carwadu ka dhacayso oo ah Hotel Maansoor.

Maakhir Media Hargaysa.

 

Comments are closed