Xiingalool(MMedia) Waxaa maanta xaflad lagu qabtay fagaaraha weyn ee sikuulka liibaan ee degmada xingalool daaha looga rogay idaacad fm ah tii ugu horaysay ee degmada xingalool v xaflada ayaa waxaa kasoo qeyb galay qaybahga kala duwan ee bulshada sida maamulka degmada cuqaasha waxgaradka aqoonyahan iyo dadweyna aad u farabadan .idaacdan oo loogu magacdary idaacada quraanka kariimka ah alxikmah ayaa waxaa warbixin ka bixiyey sheekh cali maxamed xasan oo kamid ah culumada magaalad shiikhu waxaa uu ka hadlay ujeedada loo asaasay idaacada isgoo sheegay inay idaacada loogu tala galay sidii loogu fidin lahaa dacwada diinta islaamka isagoo sheegay in idaacada ay ka bixin doonaan duruus islaami ah oo kala duwan ayna kamid noqon doonaan
1. dhagysiga quraanka kariimka ah
2.tafsiirka quraanka
3.siirada nabiga (nnkh)
4.axaadiista
5.kutub dini ah
6. fiqhiga shaaficiyada
7. iyo weliba muxaadarooyin islaamiyah
sidoo kale waxaa uu shiikh cali sheegay inaysan kamarnaan doonin meesha sii daynta iyo qabasha musaabaqooyinka (tartamada) waxaa uuna sheegay inay kaqayb qaadato kobcinta garaadka bartaha diinta suuban ee islaamka kadib warbixintii shiiikh cali waxaa hadalka lagu soo dhaweeyey nabadoon cabdi saalax faarax o ku hadlay magaca cuqaasha magaalada nabadoonku waxaa uu si frxadi ku dheehan tahay u soo dhaweeyey idaacada cusub ee alxikamah isagoo sheegay inay kaqayb qaadan doonta wacyigelinta dadweynaha.
intaas kuma eekayna dadkii ka hadlay soo dhaweynta idaacadn cusub waxaa kamid ah oday cabdilaahi cabdi (beerdhige) oo isgna dhiniciisa bogaadn usoo jeediyey dadki kadanbeeyey fikirka idaacada dacwiga ah ee alxikmah
mayarayn dadkii ka hadlay xaflada waxaa isna markiisa ka dhiibtay argatidiisa waxyaqaan cabdi maxamed geele (burco) oo isagna ku tilmaamay furitaanka idaacada guul usoo hoyatay dhamaan shacabka soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku dhaqan mandiqadan sanaag iyo weliba reer xingalool . intii lagu guda jiray wakhtigii xaflada socatay ayaa abwaan mursal siciid cali kumadadaaliyey dadka geeraar aad loogu wada farxay kuna saabsanaa idaacad cusub midhihii geeraarkaasna
waxaa kamid ahaa,,,,,,,,,
waa idaacad da’ weynoow
diinta loogu adeegoow
ragbaa aad udadaalayow
soo dhig siiyey markiiba
wacdi aad u da’weynow
tafsiir baalaga daarayow
fiqhigii baa durduraaya
tawxiid baa dananaay oo
indhihiii baa nagu doogtayoo
dhegahaa ku dawoo bayooo
farxad baan ladilaacnayoo
geeraarka oo ahaa mid aad udheer waxaa uu abwaanku ku so afmeeray
ruuxii akhira doonayooo
dan aduunka lahelay
fursad weeye daleela oo
dib kuusoo marimaysoo
ee ka faa’iidayso da’adaas
xafladan oo ay kahdlay dad aad u kala duwan ayaa waxaa soo afmeeray gudoomiyaha degmadfa xingalool mudane yuusuf faarax sici id waxaa uu gudoomiyuhu hoosta ka xariiqay in ay kaa maamul ahaan garab taagan yihiin idaacada una huri doonaan naf iyo maalba
sikastaba ha ahaate xaflada ayaa ahydmid ku dhacday jawi degan idaacada ayaa waxay hawada oo gashay si tijaaba ah 14/12/2011 waxayse sitoosa ah xadhiga looga jaray maantey
Maakhir Media Xiingalool