|

Wasiirka Arimaha Debeda Somaliland oo maanta warbxin ka hor akhiriyay Golaha Guurtida

Hargaysa-MMedia-Wasiirka  Arimaha debeda ee Somaliland Dr Maxamed C/laahi Cumar  ayaa manta hortagay Golaha Guurtida isagooo ka warbixiyay socdaaladiii debeda iyo waxyaalihi wasaradiisa u qabsoomay.

Waxaa shir gudoominayay Golaha guurtiada Somaliland ee manta wasiirka arimaha debeda uu horyimi Gudoomiye ku xigeenka Kowaad sheikh axmed  sheikh nuux fure  iyadoo ay fadhiyeen xildhibaanadana golaha guurtida .

Wasiirka arimaha debeda ayaa hadal ka jeediyay dhinacyo badan taabanaya oo uu kaga hadlayo Somaliland iyo inti uu hayay xilka wasiirnimo wixii u qabsoomay iyadoo ay ka dhagsayanayen Xildhibaanada  Golaha guurtida.

Ugu horayana waxa uu ka waramay waxqabadkii wasarada arimaha debeda iyo wixii u qabsoomay “waxaan samaynay xiriiryo badan oo debeda ah wasradu waxay sidoo kale qabatay hawlo badan oo dalka ka hirgalay iyadoo aanu tasi ka mira dhalinay rabitaanka shacabka Somaliland” sidaasi waxa yiri wasiirka Arimaha debeda Somaliland.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay xirirka dhanka  caalamka iyo aqoonsiga Somaliland siday beesha calamku u aragto isagoo sheegay in  caalamku uu ka dharafsan yahay danaha iyo shacabka Somaliland balse oo bahan yahay in ay na ictiraafaan oo ay usoo jeestaan gooni isu taaga Somaliland.

Dhanka kale waxa uu ka hadlay warbixin ay u gudbiyeen qaramada midoobay iyadoo ay warbixntaasi ahayd  in badaha Somaliland lagu wareejinayo TFG balse aanu diidnay ayuu yidhi oo ay wali doodii socoto .

Wasiirka arimaha debeda ayaa warbixintiisa uu ka horjeedinayay golaha guurtida kaga hadlay  Somaaliya isagoo sheegay in ay ka xunyihin dhiibatada ka taagan somaliya waxaan uu intaasi ku daran in ay doonayaan  in nabadi ka dhalato Somaliya .

Ugu danbaytii waxa uu kusuu gaba gabeeyay in somaliland ay tahay dal madaxbanaan dawalada iminka talada haysa ee uu madaxwyane u yahay madaxwayne axmed maxamed silaanyo ay doonayso inay ka mira dhaliso in la aqoonsado Somaliland  Wasaarada arimaha debed ee uu madaxa u yahayna ay meel kaga soo hadhi doonto.

Isku soo wada duuboo waa markii ugu horaysay ee wasiirka arimaha debeda ee Somaliland uu hor yimaade Golaha guurtida Somaliland isagoo halkaasina ka jeediayay qudbado kala duwan oo la xidhidha wasradiisa.

Maakhir Media Head Office Hargaysa.

Comments are closed