Xidhibaanada Barlamanka oo kulan uga socodo Muqdisho Shir Gudoon Cusubna Doortay
Muqdisho-MMedia-Wararka iminka naga soo gaadhay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xildhibaanada baarlamanka Somaliya ay kulan ku yeesheen xarunta shacanka oo ay ku kulmaan in ay ku doorteen Shirgudoon cusub .
Xildhibaan gaadhay 280 ayaa iminka ku sugan Xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa si Kumeel gaar ah ay u doorteen in uu fadhiyada barlamanka u wado Xildhibaan Madoobe Noonow Max’ed kaasi oo ay sheegeen in lagu wado in kala fadhiyada barlamanka ay yeelanayaan uu ka noqdo shir gudoonka KMG ah.
Xildhibaanada ayaa la tilmaamay in Madoobe Nuunoow Max’ed ay u gudbiyeen mooshino maalmihii u dambeeyay ay ka gudbinayeen guddoonka sare ee barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan kaasi oo ay tilmaameen in uu diiday in uu furo kala fadhi ay yeeshaan Mudanayaasha barlamanka Soomaaliya.
Wali waxaa socda shirka ay yeelanayaan xildhibanada iyadoo ay shegeenin danta ku kaliftay inay shirgudoonkan cusub samaystaan kadib markii uu Shariif Xasan oo kazoo bixi wayay sharcigii baarlamanka isla markaana uu noqday mid ku xad gudba Xidhibaanada.
