Xulka Gabadhaha Qaranka Somaaliyeed oo ka badiyay Xulka Gabdhaha Wadanka Qadar+Dhagayso
Podcast: Play in new window | Download
Codka waxaa iska leh Radiomuqdisho
QadarCiyaa-MMedia-r Aad u kulul oo ka dhacday dalka Qadar ayaa ku kulmeen Xulka Qaranka gabdhaha Somalliyeed iyo Xulka Gabdhaha Wadanka Qadar taasi oo ay Somaaliya badisa.
Xulka qaranka gabdhaha kubbadda koleyga Soomaaliya ayaa guul taariikhi ah gaaray kaddib markiiay ka adkaadeen xulka qaranka gabdhaha kubbadda koleyga Qadar oo ay ku kulmeen cayaar ka tirsanayd tartanka dalalka Jaamacadda Carabta.
Cayaarta oo ka dhacday magaalada Dooxa ee dalka Qadar ayaa xulka qaranka gabdhaha kubbadda koleyga Soomaaliya waxay guushu ku raacday 67 dhibcood, halka Qadar ay ka keensatay 57 dhibcood.
Cumar Cabduqaadir Baarajab oo ka tirsan mas’uuliyiinta hoggaaminaysa ciyaartoyda ayaa saxaafada la hadlay oo sheegay inay cayaartoyda gabdhaha Soomaaliya muujiyeen dedaal dheeri ah, isagoo rajo ka muujiyay inay cayaaraha xigana guul u soo hoyaan qaranka.
Somaaliya ayaa ka qeyb galaysa tartamo isugu jira cayaaraha fudud, cayaarta shataranjiga iyo kubbadda koleyga oo ka dhacaya dalka Qadar.
Waa markii ugu horaysay ee ay cayaareen xulka qaranka gabdhaha kubbadda koleyga Soomaaliya oo ay la
Maakhir Media Qadar.

