|

Midowga Yurub”Waan tageeraynaa Maamulada Somaaliya si ay uga qayb qaatan ladagalanka Burcad badeeda

Brussels-MMedia-Ururka midowga Yurub ayaa war murtiyeed ay soo saareen waxay ku sheegeen in  ay tageerayaan maamulada ka jira Somaliya,iyadoo ay tasi ku macneeyeen in ay muhiim  tahay in ay la dagalamaan Burcada.

Wararka ka imaanaya Brussels ayaa sheegaya in Midowga Yurub ayaa ka dhawaajiyay in uu tageeto u fidinayo Maamulada ka jira Somaaliya sida ay sheegeen Midiwga yurub marki ay soo saren war murutiyeedka”Waxaa muhiim ah in la taageero Maamulada ka jira dalka Soomaaliya taasina waa xalka kaliya ee looga adkaan karo burcad badeeda hadii aad taagerno Kenya,  Jabuuti, Tanzania iyo wadamada kale lagama adkaan karo burcad badeeda balse waxaa muhiim ah in lagula dagaalamo dhanka Bariga”

Midowga Yurub ayaa inta badan  la dagaalama burcada isagoo iminkana soo bayaamiyay in uu taageri doono Maamulada ka jira Somaliya  iyadoo sidoo kalena uu sheegay in ay muhiim tahay in  Burcad badeeda lala dagaalo iyadoo loo adeeg sanayo maamulada .

Xeebaha Somaliya waxaa ka buuxa  markaabi ay leeyihiin Midowga Yurub  iyadoo ay la dagalamaan Burcad badeeda ka qawlaysata xeebaha Somaaliya ,iyadoo ay qabtaan burcada afduubayanysa  Markiibta Gooshaysa xeebaha Somaaliya.

Maakhir Media Brussels

Comments are closed