|

China oo sheegtay inay jasiirad Seychelles ka furan doonto xarun milarty oo ay kula dagalanto Burcada

Bijin-MMedia-Dawlada wadanka China ayaa Soo bayaamisay in ay xarun milatary ka furan doonto Jasiirada Sishalis .

Wakaaladaha wararka ee wadankaasi ayaa soo daabacay hadal kasoo baxay  Wasaaradda gaashaandhiga ee dowaladda Shiinaha ayaa waxa ay sheegtay in ay xaruntaasi Militari oo ay ka furteen Seychelles ay gaareen maraakiib iyo diyaaradaha dagaalka kuwasi oo ladagaamaya burcad badeeda Soomaalida.

Wasaaradda gaashaandhiga ayaa waxa ay sheegtay in ladagaalanka burcad badeeda ay iska kaashanayaan dowladda Seychelles,  waxaana warbixinta lagu sheegay in ay dowladda China ay ka go’an tahay wax ka qabadka falalka burcad badeeda.

Bayaanka kasoo baxay Wasaaradda gaashaandhiga ee dowaldda China ayaa waxaa lagu sheegay in burcad badeeda Soomaalida ay qatar ku yihiin dhaqaalaha Caalamka, waxaana China ay Caalamka ugu baaqeen in ladardar galiyo ciribtirka burcad badeeda Soomaalida.

Jasiirada Sishalis ayaa ah jasiirad inta badan lagu maxkamadeeyo Burcada ka qawlaysata xeebaha Somaaliya iyadoo sidoo kalena la dagalanta Burcada ,Buracada ayaa ka ugaadhsata xeebaha Somaliya maraakiibta gooshaysa iyadoo ay ka qaataan lacag madaxfurasha ah.

Maakhir Media China

Comments are closed