Shirkii Jaaliyada Maakhir ee Uk Iyo Qodobo Laga Soo Saaray+Sawiro
London(MMedia) Waxa maalintii oo tarikhdu ku beeganayd 10/12/2011 magaalada London ka dhacay shirwayne ay isgu yimadeen jaaliyada Maakhir ee degan cariga Ingiriiska, shirkaas oo looga hadlaye sidii jaaliyadu uga qayab qaadan lahayd Horumarinta Degaanka Maakhir guud ahaan iyo gaar ahaan sidii jaaliyadu uga qab qaadan lahayd dhismaha Maakhir University waxana ugu horayn gudida jaaliyadu soo bandhigeen dastuur iyo xeersooda ay ku dhaqanto jaaliyadu guud ahaan kana diiwan gashan wadanka UK
waxaana laguda galay sidii looga doodihi lahaa sharciyada ay soo bandhigeen Gudidad Jaaliyadu waxaana la isla qaatay in lasoo akhirsito ka dibna wixii kaabis ah ama kordhis ah ee lagu samaynayo xeerkan waxaana loo balamay in laysugu yimaado shir danbe oo ay Gudida Jaaliyadu Iclaamin doonto xiliga uu qabsoomayo
Waxa kale oo halkaas oo looga dooday sidii looga qayb qaadan lahaa dhismaha JAAMACADA MAAKHIR UNIVERSITY BADHAN waxaana la isku raacay in la dar dar geliyo sidii loo dhamaystiri lahaa dhismaha Jaamacada Maakhir ee dadka Badhan ay bilaabeen waxa kale oo dhamaan kasoo qayb galayaashii ka dhawaajiyeen in la isla kaashado wixii Horumara ee degaanka hadba ka socda
Waxa kale halkaas warbixino lagaga dhagaystay Ururada ka jira Uk ee ka qayb qaata Horumarinta deegaanka waxaana gabagabadii laga soo saaray Shirka Go,aamo wax ku oola
1) In jaaliyadu ka shaqayso Horumarinta Degaankooda
2) In jaaliyada UK qayb laxaad leh ka qaadato Dhismaha Jaamacad Maakhir iyagoo u qoondeeyay Lacag dhan $100,000 boqol kun oo dollar
3) In ay jaaliyadaha kale ee ku dhaqan aduunka daafihisa kale ay u gunta daan dhisida JAAMACADA iyo dhamaan hurumarinta degaanka
4) In xeerhoosadka gudi afti u qaada loo saaro
5) In Xaflada 17ka bisha ee loogu magacdaray habeenkii MAAKHIR UNIVERSITY la xoojiyo
Ugu danbayntii waxa la isla qaatay in la soo dhaweeyo Gudida Jaamacada Maakhir ee ka imanay dalka Usa kana Qayb galaya Xaflada 17/12/11 oo kusoo beegan Jimaca
Maakhir Media London
