Dablay Hubaysan oo Dil iyo Dhawac ka gaysatay Meel Ku dhow Degmada Taleex
Talex-MMedia-Dablay hubaysan oo aan Haybtooda la garanayn ayaa meel ku dhow degmada Taleex ku dishay Rag ganacsadayaal ah iyo shacab kale waxaana kamid ahaa Ganacsade Jamac xaaji cali shire oo isagu geeriyooday iyo mid kamida eheladiisa Qaar kalena way ku dhawcmeen oo kamid yahay Cabdi samad saqarwayne, Jamac maxamud jeele oo kamida wariye xafiiska madaxwayne ku xigeenka Puntland iyo Quule sida ay noosoo sheegen dad deegaanka Taleex kusugan.
Wararka ka imaanaya degmadaasi ayaa sheegaya in koox hubaysani ay weerar ku qaadeen gaadhi ku socda degmada taleex iyadoo ay sheegen dad goob joogayaal ahi in gaadhi ay ku dhinteen laba qof halka 3 kalen ay ku dhawacmeen.
warku waxa uu intaasi ku darayaa in nimankan dhintay iyo dhawaci ay ahaayeen kuwo ka yimi magalada Garowe ee caasimada puntland iyagoo ay ku socdeen Taleex kadibna ay la kulmeen Rasaas ooda lagaga qaaday oo ay ku fureen kuwo dhexda u galay.
Lama garanayo sababta loo weeraray dadkaasi iyadoo sidoo kalena aan la garanayn kuwii dilka iyo dhawaca gaystay.
Magaalada Taleex ayaa waxaa ka socda shirkii Khaatumo oo ay halkaasi ku shirayaan Beesha dhulbahante,sidoo kalena waxaa wali cakiran dhanka isgaarsiinta oo aan shaqaynayn .
Maakhir Media Taleex
