|

Machadka OTTI ee Magaalada Xiingalool oo Qabtay Xaflad Qalin Jabin+Sawiro

Xiingalool(MMedia) Xaflad qalinjebin ah ayaa ka dhacday Machadka Barashada Caafimaadka ee OTTI Xaladaas oo Lagu qabtayXarunta Dugsiga H/Dhexe  Liibaan ee Degmada Xiingalool

Xaflada oo ahayd mid siweyn loo soo Agaasimay ayaa waxaa kasoo qaybgalay qaybaha kala duwan ee bulshada sida Waxgaradka ,Cuqaasha, Culumada,Aqoonyahanka,Ururada Haweenka iyo weliba ardayda Machadka oo isugu jirtay kuwa qalinjabiyey iyo kuwa ay usocoto daraasadu.

Ka dib markii lagu furfuray xaflada ayaadaha Quraanka ah sida caadada ahayd waxaa halkaas ka hadlay Maamulaha OTTI Xiingalool Macalin Cabdiqani Xaamud Abokor oo ka sheekeeyey taariikhda machadka iyo guuliihii uu gaadhay Macalin Cabdiqani sidoo kale waxaa uu la dardaarmay ardaydii qalin jebisay oo dhamayd 20 Arady oo isugu jiray Wiilal iyo Gabdho bartayna Xirfadda aasaasiga ah ee Caafimaadka (Basic Health Education) 

Waxaana uu Maamulaha Machadku  kula dardaarmay Aradayda inay sii wataan waxbarashadooda ayna bulshada ay usoo barteeen gaadhsiiyaan .

Waxaa sidoo kale madasha xaflada ka hadlay DR C/risaaq Maxamuud Maxamed (Xaydari) oo ah macalin wax ka dhiga machadka Dr waxaa isna usheegay ardaydii qalin jebisay muhiimada uu leeyahay caafimaadku waxaa uuna bogaadin u jeediyey ardayda una rajeeyey mustaqbal fiican .

Dhanka kale Xaaji Maxamuud Axmed Maxamed{Xariif} oo ku hadlayey magaca Waalidiinta ayaa waxaa siiyey ardaydii dhamaysatay talooyin wax ku ool ah  gabagebadii xaflada ayaa waxa microofanka lagu soo dhaweeyey Ustaad Mursal Siciid Cali Waraabe oo ah Gudoomiyaha waxbarashada ee Degmada Xiingalool Mursal waxaa uu ka sheekeeyey faa’iidada waxbarashadu ay  u leedahay noolaha .

Iskusoo wadaduuboo waxay xafladani ahayd mid  udhacady si heersara ah waxaana xafladii u horaysay ee nooceeda ah ee ka dhacda Degmada Xingalool .

Maakhir Media Xiingalool 

Comments are closed