Taliyihii Ciidamda Milateriga Somaliland oo Xilkii Laga Qaaday Mid Kalena La Magaacabay
Hargaysa(MMedia) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa Saaka Xilkii ka Qaaday Taliyaha Ciidanka Milateriga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani.
Waxaanu Madaxwaynuhu Digreeto Madaxwayne kaga Qaaday Xilka Nuux Ismaaciil Taani loona Magacaabay Xilkaasi Maxamed Xasan C/laahi (Jidhif). Xilka Qaadista Taliyaha ayaa lala Xidhiidhinayaa inay ka Danbayso Arinta ka Taagan Deegaanka Ceelbardaale iyo Cabashooyin isdaba joog ah oo Ay Duqayda Gobolka Awdal u soo gudbiyeen Madaxwayne Siilaanyo.
Wararku Waxay intaasi ku Darayaan in Madaxaynuhu Amar ku Bixiyay in Ciidamada Qaranku Si toos ah uga Hawl galaan deeganadii Colaadu ka taagnayd ee Ceelbardaale kuwaasi oo beel ka mid ah beelaha degaa ay ka cabanayeen Taliyaha Ciidamada ee Xilka Laga Qaaday.
Maakhir Media Hargasa
