Wadamada Geeska Afrika oo Xalay laga wada Dareemay Dayax madoobaadka
Hargaysa-MMedia-Habeenkii xalay ahaa waxaa hal mar laga wada dareemay Guudahaan Gobolada Somaliya oo dhan Dayaxa oo madoobaad iyadoo isla markaana loo dareeray Salaada oo ilaahay la baryay .
Dayaxa ayaa madoobaaday xili ay ahayd salaadii makhrib iyadoo kadibna loo dareeray in la tukado ,Guud ahaan Somaliya oo dhan ayaa waxaa aad looga dareemay dayaxa madoobaaday.
Sheekhyada Somaliada ee ku sugan dallka Somaliya ayaa sheegay ” Islaamka meel waliba oo jooga waxaa ku waajiba ah labo rakaco oo Sunno iyo in la badiyo towxiidka, waxaana arrintaani u sabab ah dambiga Islaamka, Umadda Islamka waxaana ugu baaqayaa dal iyo dibad meel waliba oo ay joogaan inay badiyaan Alle bariga, Ilaahayna loo toobad keeno”Sida ay sheegen wadaada Somaliyeed.
Xiriiro aanu la sameynay qaar ka mid ah wadamada geeska Afrika ayaa waxaa la xaqiijiyay in sidoo kale dalalkaasi laga dareemay Dayax madoobaad sida wadamada ay Somaliya Dariska yihiin.
Isku soo wada duubo markii uu madoobaado Dayax ayaa waxaa umada muslimka ku waajiba in la cibaadaysto oo ilaahay laga baqo taasi oo ay tahay dayaxa madoobaanaya in uu yahay in ay cibaaro u tahay umaada islaamka.
Maakhir Media Hargaysa.
