Raysal wasaraha Somaliya”Waxaan galaynaa marxad cusub, waxaana galaynaa marxalad Kalaguur
Dr.C/wali Max’ed Cali Gaas, Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya oo maanta hadal ka jeediyay munaasbad tababar loogu soo xirayay ku dhawaad kun askari oo ka tirsan Ciidamada qalabka sida ee dowladda KMG ah ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada dowladda ay xaqiijiyaan ammaanka oo ay la jaanqaadaan marxalad cusub oo kala guur ah oo ay la imaanayso Xukuumadda KMG ah sida uu hadalka u dhigay.
Raysal wasaraha markii uu la hadlayay saxaafada ayuuu sheegay “Waxaan galaynaa marxad cusub, waxaana galaynaa marxalad Kalaguur ah, waxaan galaynaa marxalada aan kaga baxayno dhibkii, is qab qabsigii, qabyaaladdii iyo is dilkii, Somaliya waxay diyaar u tahay inay ka guurto marxaladdaas, oo ay u guurto marxalad cusub, marxalad walaal tinimo, marxalad Somalinimo” sidaasi waxaa yiri Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada qalabka side ee dowladda KMG ay diyaar u ahaadaan difaaca dalkooda iyo ka hortaga weeraro kaga yimaada aargigixisada iyo Al-qaacidadana dagaalka kula jirta dowladda KMG ah.
Gaba gabadii xafalada waxa uu sheegay Raysal wsaaraha in loo baahan yahay in la helo ciidan tayo leh oo dalkdooda daafaca maadaama uu dalku maanta yahay curdin cadow badana leeyahay.
Ciidmada kunka gaadhaya ee maanta uu Raysal wasaraha Somaliya tababarka usoo xidhay ayaa noqonaya xili dalku uu ku jiro xaalad adag iyadoo ay ciidamada AMISOM iyo DKMG ee Somaliya ay la dagalamayaaan Al-Shabab sidoo kalen dhinaca jubooyinkana ay ka dagaalamayso dawalda wadanka kenya ciidamadooda,hada ciidamadani ma noqon karaan kuwo wax kabadali doona xaalada qalafsan ee dalku ku jiro mise waxay noqon doonaan sidoodi.
Maakhir Media Muqdisho
