|

Puntland oo Guddi u Magacowday Qabanqaabada Shirka Wadatashiga Garoowe

Garowe-MMediaDawladda Puntland ayaa Guddi rasmi ah u magacowday Qabanqaabada loogu Jiro Shirka la filayo in 15-bishan uu ka dhaco magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland,kaas oo socon doona muddo afar beri ah.

 

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Axmed Cumar Xirsi [Libaax-joore] oo maanta Saxaafadda Shir Jaraa’id ugu qabtay gudaha magaalada Garoowe ayaa shaaca ka qaaday Guddi ka kooban Wasiiro iyo Xubno degmo iyo gobol oo ka mid noqonaya qaban-qaabiyaasha Shirka Wadatashiga ee la doonayo in si rasmi ah uga dhaco magaalada Garoowe ee caasimada Dawladda Puntland.

Libaax Joorre ayaa sheegay in Guddiga loo Xilsaaray in ay qabtaan hawlaha qabanqaabada Shirka loo kala qeybiyey Saddex Guddi oo kala ah:

  1. Guddiga Amniga oo Guddoomiye looga dhigay Wasiirka amniga Puntland Col.Khaliif Ciise Mudan.
  2. Guddiga Baratakoolka iyo soo dhawenta oo Guddoomiye looga dhigay isna Wasiirka Maaliyada Puntland Faarax Cali Shire.
  3. Guddiga Wacyigelinta oo isna Guddoomiye looga dhigay Wasiirka Warfaafinta Puntland Axmed Cali Askar, waxaana sidoo kale Guddiyadn Saddexda ah kamid ah Duqa magaalada Garoowe Cabdicasiis Nuur Cilmi Koor iyo Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali Qarjab.

Saddexdan Guddi ee Dawladu magacowday ayaa sida uu mar kale sheegay Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Libaax Joore in hawshooda ugu badan ay noqoneyso in Wafdiga iyo sida Shirku u dhici lahaa iyo qabanqaabada ay kasoo shaqeeyaan isagoona xusay in ay wadaan hawsha iminka.

Mr Libaax Joorre ayaa sidoo kale sheegay in hadda gudaha magaalada Garoowe ay ku sugan yihiin Wafuud ka kala socota DKM AH sida Wasiirka Dastuurka iyo arrimaha Federaalka iyo Ilyaas Barre Shiir oo isna ka socda Dawladda Kenya,wuxuuna intaas ku datay in muddooyinka soo socda ay sugayaan inta dhiman Wafuud Shirka.

Gabagabadii ayaa Afhayeenku sheegay in hadda magaalada amnigeedu yahay 100% si weyna loo sugay,wuxuuna xusay in bilicda magaalada si weyn la isugu hawlay.

Si kastaba ha ahaatee 15-bishan aynu ku jirno ayaa lagu wadaa in magaalada Garoowe ee caasimada Puntland si rasmi ah uga furmo Wajigii labaad ee Shirka wadatashiga Soomaalida,kaas oo ay kasoo qeybgalayaan qeybaha kala duwan ee Soomaalida iyo beesha Caalamka.

Source:Raxanreeb

Maakhir Media Network

Comments are closed