Banaanbaxyo Ka Dhan Ah Dilkii Seemaal Oo Boorama Xalay Iyo Maantaba Ka Dhacay
Boorama-(MMedia)-Mudaharaadadan ka dhacay magaalda Boorama ayaa soo bilaabmay habeenimadii xalay kadib markii saraakiisha boolisku ay xidheen siyaasi magaciisa la yidhaa
Maxamed Jaamac Abgaal oo isagu ka hadlay telefishanada, iyo dhacdooyinkii ka horeeyay ee dilka ahaa ee ka dhacay degaanka Seemaal ee Deg. BAKI, dadwaynaha reer Boorama ayaana xalay maqlayay rasaas aad u badan oo magaalada ka dhacaysay.
Barqanimadii saaka ayaa ayay hadana banaanbaxyadu dib u bilaabmeen waxana banaanbaxyadan samaynayay dad u badan dhalinyaro, ciidamada booliska ayaa is hortaagay banaanbaxayaasha oo ku soo gadooday saldhiga dhexe ee booliska isla markaana raasaas cirka u riday kuna kala kaxeeyay banaan baxaxyaasha oo aad u cadhaysanaa .
Waxa xusid mudan in rasaasta ay ciidamada bolisku ridayaan ku dhacday darbiyada hoose ee qaar ka mid ah dhismayaasha magaalda iyada oo ay saas tahay hadana ma jiraan cid wax ku noqotay mudaharaadadaas.
Saraakiisha ciidamada iyo maamulka gobolka ayaan haba yaraatee ka hadlin xiisadahan iyo wax qasaare ah oo ka soo gaadhay ciidamada booliska galinkii dambe ee maantana jawigu sidiisii caadiga ahayd ayuu ku soo laabtay.
Banaanbaxyadan ayaa waxa ay ku soo beegmayaan waqti uu magaalada DILA ka socdo shir aad u balaadhan oo ay odayaasha degaankaas iyo masuuliyiin iskugu jira kuwo heer qaran ah iyo kuwo heer gobol ah ay ka shirayaan sidii xal loogu heli lahaa falalkii dilka ahaa ee ka dhacay Seemaal.
Lughayanews
Maakhir Media Hargaysa



