Mileeshiyo kasoo jeeda Galmudug oo labo qof ku diley meel u dhow degmada Jariiban
Boosaaso(MMedia) Mileeshiyo ka soo jeeda kuunfurta gobalka Mudug ayaa maanta weerar ku soo qaaday deegaanka Ceel-lahelay oo hoostaga degmada Jariiban ee gobalka Mudug .
Weerarkan ayaa waxaa inta la ogyahay ku dhintay Labo qof oo xoolo dhaqato ah waxaana la sheegayaa in mileeshayadii dilkaas geysatay ay ka baxsatay goobta weerarka ay ku soo qaadeen iyagoo wata Dhawr gaari oo ah nooca dagaalka.
Nabadoon Yaasiin Cabdisamed oo ka mid ah Nabadoonada ka soo jeeda deegaanka ay mashaqadu ka dhacday ayaa Warbaahinta Horseed Media u xaqiijiyey in waaberigii saaka ay meleeshiyaad ka soo jeeda Galmudug ay weerar ku soo qaadeen dad Xoolo-dhaqato ah oo ku sugan deegaanka ceel- la helay ee gobalka mudug .
Gudoomiyaha Degmada Balli Busle Cabdirisaaq Muuse Mataan Ayaa isna u sheegay Horseed Media in kooxadan mileeshiyada ahi ay wateen gawaarida dagaalka isla markaana ay weerar ku soo qaaden Xoolo-dhaqato ku sugnaa Deegaanka Ceel-la helay oo u dhaw Degaanka Balli busle
Deegaanada miyiga ah ee hoostaga degmooyinka gobolka Mudug qaarkood ayaa inta badan waxaa ka dhaca iska hor imaadyo u dhaxeeyay mileeshiyooyin ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug kuwaas oo ku dirira Daaqa iyo Biyaha.
Resource Horseedmedia
Maakhir Media Boosaaso
