|

Sh.C/qaadir Gacamey oo Ugu Baaqy Shacabka Soomaaliyeed Inay Iska Celiyaan Alshabaab(Dhagayso

Boosaaso(MMedia) Shiikh Cabdulqaadir Nuur  Faarax oo ka mid ah culimada waaweyn ee dalka Soomaaliya hadalna ka jeediyey aaskii marxuun Sh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo maanta lagu aasay qabuuro ku yaal boosao ayaa  alle uga baryey Shiikh Dr. Axmed Xaaji oo ay koox dhagarqabayaal ah dileen in uu Alle u naxariisto janadiisana ka waraabiyo kuwa dilka u geystana uu calaamo deg deg ah ka soo muujiyo.

Sh.Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaa xusay in marka Shiikh.Dr Axmed Xaaji la dilay uu soomanaa soona tukaday salaadii subax isagoo ku jiray maganta alle  Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaa si cad u sheegay in dilka Dr. Axmed xaaji Cabdiraxaan lagu go,aamiyey shir ay ururka Al-shabaab ku yeesheen magaalada Baydhabo. Shiikh C/qaadir Nuur Faarax waxa uu hadalkiisa ku cadeeyay in dilka Shiikh Dr.Axmed Xaaji Cabdiraxmaan uu ku yimid sida laga war qabo go’aamadii ka soo baxay shirkii ay Al shabaab ku yeesheen Magaalada Baydhabo kuwaa oo qodobadii laga soo saaray ay ka mid ahayd in la laayo Culimada aan la fikirka ahayn Al shabab, waxa uu Sheekh C/qaadir ku baaqay in ay lagama maarmaan tahay in la iska qabto dadka falalka cayn kaas ah geysanaya ee sheeganaya in ay Muslim yihiin haddana.

Halkan Ka dhagayso Wacdigii shiikh C/qaadir Gacamey.

Maakhir Media Networ

Comments are closed