Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Amar Ku Bixiyay In Lasoo Qabto Gacan Ku dhiiglayaashii Dadka Laayay
Hargaysa(MMedai) Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ciidamada Milateriga,Booliska iyo wasaaradaha Gaashaan-dhiga iyo Arrimaha gudaha amar ku siiyay inay soo qabtaan cidii dishay xalay sadex nin oo laba ka mid ahi isdhaleen oo dabley hubaysani ku khaarajiyeen meesha la yidhaahdo Seemaal oo u dhaxaysa degmooyinka Baki iyo Gabiley.
Madaxweynuhu wuxuu sidaasi ku amaray kulan uu maanta la yeeshay wasaaradaha iyo Ha’yada Nabadgelyada qaabilsan,sida lagu sheegay war saxaafadeed uu maanta soo saaray Afhayeneka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxaanu u dhignaa sidan:-
“Xalay, gelinkii danbe meesha la yidhaahdo Saameel oo u dhaxaysa degmooyinka Gabiley iyo Baki waxa ka dhacay shil foolxun waxaana lagu dilay 3 nin oo aan waxba galabsan.
Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu saaka isugu yeedhay talisyada Guud ee Ciidanka Qaranka iyo Booliska iyo Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo Gaashaan dhiga waxaanu si Adag u Amray in ay raacdo galaan oo ay soo qabtaan dhagar qabayaashi dilkaas geystay meel kasta oo ay joogaana ay kaga daba tagaan.
Madaxweynuhu waxa uu masuuliyiintaa ku adkeeyey in aanay ka soo hooyanin ilaa ay dhagar qabayaashaa soo qabtaan oo ay sharciga horkenaan.
Ugu danbay waxa uu Madaxweynuhu Tacsi u dirayaa qoysaskii iyo qaraabadii ay ka baxeen dadkaas ay gacanta ka xaqa darani dishay.
Waxaanu leeyahay Ilaahay samir iyo iimaan haynaga siiyo iyagana naxariistii Janno ha ka waraabiyo.”
Dilkan ayay geysteen dabley hubaysan oo aan ilaa imika si ramsiya loo aqoonsan kuwaasi oo weeraray mukhaaxi ay hurdeen sadexdaas qof, waxaana warku intaasi ku darayaa inay dableydaasi kaxaysteen nin oo kale.
Dhacdadan ayaa saamayn nabadgelyo ku yeelatay gobolada Awdal iyo Gabiley waxaana la sheegay in deegaamadaasi la geeyay ciidamo tiro badan oo nabadgelyada suga.Sadexdan nin ee la dilay ayaa ka soo jeeda deegaanka Degmada Dilla ee gobolka Awdal.
Dilkan ayaa loo aaneynayaa inuu xidhiidh la leeyahay colaad iyo xiisad soo jiitamaysay oo u dhaxaysa degmooyinka Dilla iyo Gabilay kuwaasi oo isku haya deegaanka Ceelbardaalle oo u dhaxeeya Gabiley iyo Awdal.
Arrintan ayaa ku soo beegantay xili Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu bil ka hor Guddi balaadhan u magacaabay dhamaystirka shaqaaqadii Ceel-bardaalle oo wajigii hore ee wada hadaladu ay ku dhamaadeen is afgarad
Maakhir Media Hargaysa
