Wasaarada Haweenka P/land oo 100 Milyan Shiling Somali ah ugu Deeqday Dadkii Ku Caydhoobay Dabkii Boosaaso Ka Dhacay
Garoowe(MMedia) Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee Puntland ayaa 100-milyan oo Shilin Somali ah uga deeqay dadkii ku caydhoobay dabkii saddexda bishan baabiyey suuqii ugu waynaa Puntland,waxaana deeqdan maanta lagaga dhawaaqay shir ay qabateen maamulayaasha wasaaradan oo ka dhacay hoolka wasaaradda haweenka ayna joogeen inta badan shaqaalaha & masuuliyiinta wasaaraddu.
Casha Geele Diiriye oo ka hadashay deeqdan ayaa sheegatay in lacagatan ay iska jareen masuuliyiinta & shaqaalaha wasaaradd haweenka ayna ugu talagaleen inay lagu badhtaaro deeqaha la filayo in loo uruursho ganacsatadii hantaoodii ku waayay dabkii boosaso.waxaana ay caasha carabka ku adkaysay in lacagatan ay ay ku deeqeen ay tahay mid aad yar marka loo eego khasaaraha dabku dhaliyey balse ay awoodoodu intaasi tahay.
Caasha Geelle ayaa sidoo kele xustay in ganacsiga suqaasi uu halbawle u ahaa ganacsiga Puntland,waxayna ganacsatada u jeedisay inaysan niyada jabin,dibna ay u bilaabaan ganacsogoodii.
Magaalada Gaalkacayana waxaa ka socda shirar dhaqaale loogu uruurinayo ganacsatadii suuqaas ku ganacsn jiray,waxaa kele oo kulamo noocani ay ka socdaan deegaano ka tirsan Puntland,Maxxweynaha dawladda Puntland waxa uu shalay ku dhawaaqay guddi farsamo oo soo darsa dhibtii suqaasi haleeshay iyo sababihii dhaliyey.
Faadumo C/risaaq
Maakhir Media Garoowe
