|

Madaxwene Faroole Tacsi u Diraya Ehaladii Dr Sheekh Axmed C/raxmaan

Garoowe(MMedia) Madaxweynaha dawladda Puntland Mudane Cabdiraxman Max’ed Faroole ayaa Tacsi u diray eheladii,asxaabtii,culimada,shacabka somaliyed & puntland, ee ka geeriyooday Dr.Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo saaka lagu dilay magaalada Boosaso xilli uu ka soo baxay masaajid uu ku tukadey saladii subax.

Madaxweynaha aad uga tiiranyeysanaa dilka foosha xun ee lagula kacay shiikan aqoonyahakana ahaa ayaa bulshada ku booriyey inay fadhiga ka kacaan oo ay la dagaalamaan argagixisada dilaysa dadka bulshada waxtarka u leh,wuxuuna xusay in argagaxisadu ay shir ay Baydhabo ku yeesheen ay ku hishiyeen la dilo culimada aqoonta u leh shareecada diinta Islaamka.

wuxuu ahaa aqoonyahan Soomaaliyeed oo Culuumta shareecada aad ugu xeel dheer islamarkaana Shahaadada Sare ee PHD-da ka qaatay Cilmiga Xadiiska waxaana geeridiisa ka tacsiyeeye aadna ug

Marxuum Dr,Axmed Xaaji Cabdiraxmaan ayaa wax ka dhigi jiray jaamacadda Bariga Afrika boosaaso.waxaana Shahaadada sare ee PHD-da ka qaatay Axaadiista,waxaa kele had iyo jeer u ka qayb-galijiray wacdinta umadda & ka hadalka marba mawduucii markaasi taagan oo u baahan im umadda la reebo ama lagu baraarujiyo,waxaana xalay uu ka qayb galay Nadwo loo qabatay dadkii ku hanti beelay suuqii Boosaso ku gubtay

Faadumo C/risaaq

Maakhir Media Garoowe

Comments are closed