Shaqaaqadii Ceelbardaale oo Dib u Bilaabmatay iyo Dad Lagu
Hargaysa(MMEdia) Dablay hubaysan oo aan Haybtooda la Aqoonsan ayaa Xalay Toogasho ku Dilay Seddex nin oo ku sugnaa Meel Maqaaxi ah oo ku Taala Deegaanka Seemaal oo ka tirsan deegaanadii shaqaaqadu ka taagnayd ee Ceelbardaale halkaasi oo ay ku nafwaayeen Alle ha unaxariistee Seddex nin oo laba ka mid ahi isdhaleen, kuwaasi oo kala ahaa Alle Ha U Naxariistee Marxuum Daahir Maal iyo Wiil udhalay, sidoo kale waxaa isagu ku jiray dadka meesha ku dhintay Marxuum Afmadhan diid oo ka mid ahaa dadkii madasha fadhiyay.
Illaa hadda ma cadda sababta dilkani ku dhacay balse dad xogogaal ah oo aanu wax ka waydiinay Dhacdadaasi naxdinta leh ayaa waxay noo sheegeen in Dilka ay gaysteen Dablay Hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan halka dadka qaarna sheegayaan inuu dilka gaystay Gacan ku dhiigle Maskaxda ka Xanuunsanaya isla markaana uu baxsaday markii dilkaasi gaystay iyada oo la sheegay inuu dhawr ruux oo kalena dhaawac ka soo gaadhay Baaskii rasaasta ee lagu laayahay Dadkaasi.
Dhacdadan ayaa ahayd dhacdo naxdinleh oo ka dhacday deegaankaasi taasi oo laga cabsi qabo in ay dib usoo cusboonaysiiso Shaqaaqadii dhex martay labada beeleed ee walaalaha ah ee Deegaamadaasi wada Degga kuwaasi oo hore uga heshiiyay waxyaabihii ka dhacay halkaasi.
Dhacdadan ayaa cabsi badan ka abuurtay inta u dhaxaysa Deegaamada Gabiley iyo Borama iyada oo Gabi ahaanba uu joogsaday isku socodkii Labada Magaalo iyo dhaqdhaqaaqii u dhexeeyay Goboladda Awdal iyo Gabiley iyada oo laga Cabsi qabo in shaqaaqo kale oo aargoosi ahi ka dhacdo deegaamadaasi,dadka dhintay ayaa la sheegay in loo qaaday Magaalaalada Borama si halkaasi loogu Aaso.
Maakhir Media Hargaysa
