Sheekh Axmed Xaji Cabdiraxmaan oo kamida Shukhuukhda Somaliyeed oo Bosaso Saaka lagu dilay
Bosaso-MMedia-Waxaa saaka salaadii Subax kadib lagu dilay Magaalada Bosaso sheekh kamid Culumadii Bosaso isagoo kazoo baxaya Gurigiisa
Wuxuuna qayb ka ahaa Gudoonka sare ee Jaamacadda Bariga Africa isagoo sidoo kalena macalin ka ahaa kuliyadda Shareecada horayna xilal kala duwan uga soo qabtay maamulka Jaamacadda.
Sheekha waxaa lagu dhuftay dhowr xabadood sida ay shegeen dad Goob joogayaal ah Xili uu kasoo baxay Masjidka (Xasan Ibnu Cali) oo xaafadiisa u dhow isagoo u geeriyoodey dhaawac culus oo soo gaarey waxyar kahor intaan Isbitaalka guud ee Bandar Qaaasim ee Magaalada Boosaaso loo qaadin.
Sheekh Axmed Xaji Cabdiraxmaan wuxuu ahaa aqoonyahan Soomaaliyeed oo Culuumta shareecada aad ugu xeel dheer islamarkaana Shahaadada Sare ee PHD-da ka qaatay Cilmiga Xadiiska
Lama garanayo cida dishay Shiikha iyado lagu raad joogo cidii dilka ka danbaysay alle Ha u naxariisttee sheekha ayaa ka Qayb galay xalay Samirsiinta dadkii dhibtu kazoo gaadhay dabkii Bosaso ka dhacay ee lagu qabtay masjid Al Rowda ,dadka Bosaso ayay ku noqotay layaab iyo naxdin iyado ay aad uga naxeen una murugoodeen Sheekha oo ay dileen dad aan haybtooda la garanayn.
Geerida Shiikha ayaa si aadana ay uga tacsiyaynayaan umada Somaaliyeed meel kasta ooo ay joogaan.
Maakhir Media Bosaso
