|

Dabkii xalay Bosaso ka kacay oo Qaybihii ugu waynaa la damiyay+Sawiro

Bosaso-MMedia-Wararka ka imanaya magaalada Bosaso ayaa sheegaya in dabkii xalay ka kacay Suuqa wayn ee magaalada intiisii badnayd lagu guulaystay iyadoo ay wararku sheegayaan in uu wali sii Holcayo .

Dabkii xoogga badnaa ee biliwaday abaaro 9 fiidnimo ee xalay ayaa ahaa mid gaystay khasaare Aad u balaadhan oo maaliyadeed waxaana gabi ahaanba bes beelay  dhamaan  agabkii Suuqa yaalay .

Xalay waxaa gabi ahaanba aan laga seexan daminta suuqa iyadoo dabka xoogiisii badnaa ladamiyay saaka salaadii subax waxyar kadib ,Sababta keentay in Holaca dabka uu sii fido ayaa ahayd  suuqa Bosaso oon lahayn wadooyin waawayn oo u saamaxaya  had iyo jeer hawl wadayaasha dab damiska ee gurmadka deg dega ah inay hawshooda ka qabtaan halkaasi, suuqa ayaa aad u cidhiidh ah taasi oo keentay in maanta uu gubto suuqii ugu waynaa ee ganacisga Bosaso iyo gabi ahaanba Puntland.

Xalay markii uu bilowday dabka xoogiisa ayaa waxaa soo yaacay dhamaan dadkii  lahaa Hantida  suuqa Taala iyo shacabkii Bosaso oo dhamaan doonayay inay u gurmadaan suuqa nasiib darose waxaa  dadkii ka hor yimi ciidanka amaanka oo Rasaas ooda kaga qaaday  iyadoo halkaasi  uu Laba qof ay ku dhinteen laba kalena ay ku dhawacmeen sida ilo lagu kalsoon yahay ay noo sheegeen.

Sawirada waxaa iska leh SBC

Ciidanka ayaa ku andacoonayay ina iyagu daminayaan dabka hase ahaatee anay waxba ka qaban Masiibadaasi qadarka ahayd ee halkaasi ka dhacday,dabaka aya amarba marka ka sii danbasya sii xoogaysanayay iyadoo ay  dhamaan qaybaha kala duwan ee suuqa uu bas belay walina  saaka socdo dabkii.

Hadaba miyaanay ahayn Mucjiso lala yaabo In dawladii dhamayd ee puntland ee kaslsoonida iyo wanaaga dadkeedi  u hayanee  in shacabkii dabka damin lahaa ugu jawaabto Rasaas oo ay dad ku dhintaan kuwa kalen ku dhawacmaan .

sikastaba xaal ha ahaadee  suuqa Bosaso ayaa ku fadhiya dhul lagu qiyaasay ilaa 3 KM iyadoo balac ahaana uu fadhiyo 1 KM waxaana ay wariyaasha Bosaso ee Maakhir Media ay sheegayaan in  gabi ahaanba suuqii waynaa uu badidis baab’ay Goobtuu suuqa uu ku yaalayna aad moodayso meel laga guuray.

Wixii war ah oo kasoo kordha insha alaah waan idin soo gudbin doonaa.

Maakhir Media Bosaso

 

Comments are closed