Suuqa weyn ee Boosaaso oo Dab qabsaday
Bosaso-MMedia-Dab aad u xoog badan ayaa qabsaday suuqa wayn ee magaalaada Bosaso kaasi oo aan la garanayn waxa gubay iyadoo ay dab xoogle uu ka kacaayo suuqa .
Daafaha Magaalada ayaa laga arkaya suuqa oo gubanaya iyadoo ay usoo gurmadeen dabdamiska iyo shacab aad u badan Ciidanka amaanka oo si wayn loogu so daadiyay agagaarka suuqa bosaso.
Suuqa ayaa gabi ahaanba dabku ku fiday iyadoo qaybaaha kala duwan ee suuqa ay dab qabsadeen waxaan wali socda dabka,oo waa ku sii fiday gabi ahaanba suuqa .
Wararka ka imaanaya ayaa sheegaya in dadkii lahaa suuqa alaabta taala ay u gali kari waayeen sababtoo ah ciidan kugadaaman Gobta oo xabado ku furaya dadka waxaase ay sheegen in dhawac jiro ,wariyaasha kazoo warama Bosaso waxay soo tabinayaan in gabi ahaanba uu dabku gaadhay qaybaha kala duwan ee suuqa sida Qaybta iibka Maacuunka,Qaybta dharka iyo kabaha,Qaybta bagaashka,Qabta qudaarta,Iyo in badan oo kamid ah qaybaha Raashinka lagu gado.
Isku soo wada duubo waxaa si aada ugubanaya suuqa wayn ee Bosaso
Maakhir Media Bosaaso
