|

Gabadh Somaliyeed oo Qiratay inay Al Shabaab Tageeri jiratay Rag Kamida


Sen Diego -MMedia-
Wararka ka imaanaya Dalka maraykanka ayaa sheegaya in gabadh Somali ah oo ku nool dalka maraykanka hase yeshee haysata dhalashada dalkaasi ay qiratay in ay lacag u diri jirtay Rag kamida Al shabaab.

Haweeneydan oo lagu magacaabo Nimco Cali Yuusuf da’deeduna ay 25-sano jir tahay ayaa qiratay denbiyada ay dacwad oogayaasha dalkaasi kusoo eedeeyeen ee ah in ay taageero siisay rag xiriir la lahaa kooxda Islaamiyiinta ah ee ka dagaalama koonfurta Soomaaliya kuwaas oo Maraykanka iyo dalal badan oo kale ay ku dareen liiska Argagixisada Caalamiga ah.

Nimco Cali Yuusuf ayaa sidoo kale sheegtay in ay ogsooneyd in ragaasi ay Maraykanka uga tageen si ay Al-shabaab ugu biiraan islamarkaana ay dhaqaale siisay si shakhsiyan ahna ay u taageertay, waxayna sidoo kale sheegtay in intii u dhexeysey Feb/2010-Nov/2010 ay u dirtay lacag gaareysa $1,450.

Wararku waxay intaa ku darayaan in Hay’addaha denbi baarista ee dalka Maraykanka ayaa mudooyinkii u danbeeyey baaritaano dheeri ah ku hayey shakhsiyaad Somaali-Maraykan ah oo looga shekiyey in ay xiriir dhow la leeyihiin kooxda DKG ah ee Soomaaliya dagaalka kula jirta, Urur weynaha Al-qaacidana gacan saarka la leh ee Al-shabaab.

Gabadhan la tuhun san yahay ee Somalida ah ayaa la sheegay in ay rg u diri jirtay lacag iyadoo caawinaysa waxaana ay Hayada danbi baadhistu soo gudbisay ragii ay gabadhani lacagtu diri jirtay iyadoo la sheegay in mid kamida ragasi uu is qariyay  waxaan aay kala yihiin Cabdisalaan Xuseen Cali,Maxamed Cabdilaahi Xasan,Cabdilaahi Axmed Faarax,iyo Cabdiweli Yaasiin Ciise.

Gabdhan Somalida ah ayaa Qiratay danbiyadan lagu soo oogay dhawaan ayaa la horgayn doonaa maxkamda wadankaasi ku taala ee Sen Diego  iyadoo la sheegay in  lagu xukumi dono lacag dhan 250.000 oo ganaax iyo xuku n dheer.

 Somalida dalkaasi maraykanka kunool ayaa cabsi wayn ka qaba in  iyagana ay ku dhacdo in uu soo galo tuhun wayn iyadoo ciidamada danbi baadhayasha ama FBI ay dabagal ku hayso Somali badan oo wadankaasi joogta.

Maakhir Media Sen Diego 

Comments are closed