|

Madaxweyne Sh.Shariif Iyo Wadooyinka Muqdisho+Sawiro

Muqdisho(MMedia) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ka qeybgalay Mubaasabad lagu maamusayay hirgelinta sharciga marista waddooyinka oo maanta ka dhacday Muqdisho.

Munaasabadan oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda Dekedaha, Gaadiidka Cirka iyo dhulka isla markaana lagu maamuusayay hirgelinta mid ka mid ah Sharciyada marista waddooyinka ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Munaasabaddaasi lagu guddoonsiiyay Leysinka wadidda gaadiiska iyo taargada gaadiidka.

Mudane Aadan C/llaahi Aadan wasiirka wasaaradda gaadiidka oo ka hadlay Munaasabaddaasi ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in Madaxweynaha uu kala soo qeybgalo munaasabad noocan oo kale ah isagoo tilmaamay in sharcigan uu wax weyn ka tarayo sugidda amaanka isla markaana ay wasaaraddu soo saari doonto sharciyo kale oo ku saabsan marista waddooyinka.

Madaxweyne Shariif oo munaasabaddaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in tani ay Caddeyn buuxda u tahay horumarka laga gaaray dhinaca amaanka Muqdisho, isagoo ugu baaqay wadayaasha gaadiidka in ay ilaaliyaan sharciga wuxuuna sidoo kale ciidamada nabadgelyada waddooyinka ku boorriyay in ay dardar geliyaan howlahooda.

Tallaabadan ayaa loo arkaa in ay qeyb ka qaadan karto sugudda amaanka Muqdisho

Maakhir Media Muqdisho

DAAWO SAWIRADA

 

Comments are closed