Ciyaarihii Gobolada Somaliland oo Galabta Si rasmi ah uga Furmay Magaalada Burco
Burco-MMedia-Waxaa Galabta ka furmaya Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer Ciyaaraha Gobolada Somaliland Halkaasi oo loo sameeyay Intii aanay bilaabmin ciyaaraha xaflada aad u balaadhan oo uu daaha ka furay madaxwayne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan saylici.
Kadib markiii xadhiga laga jaray ayaa waxaa bilaabatay ciyaartii ugu horaysay taasi oo daaha lagag qaadayo labada Gobol ee kala ah mid waa ka marti galinaya ciyaarta ee waa Gobolka Togdheer ee Burco iyo Caasimada Somaliland ee Hargaysa waxaan iminka socota ciyaartii labada Gobolka .
Ciyaarta waxaa daawanaya madaxwayne ku xigeenka iyo wasirka ciyaaraha iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka iyadoo ay kasooq ayb galeen dad aad u tira badan ooo ka kala yimi Gobolada Dalka Somaliland oo dhan.
Ciyaarahan Gobolada Somaliland ayaa waxaa ka qayb galaya 8 Gobol oo kala ah Togdher ,Maroodi Jeex ,Sanaag ,Gabiley,Awdal,Saaxil.Soool,Hawd.
Ciyaartan Galabta lagu daah furaya ayaa waxaa garoonka lagu soo bandhigay Gaadhi kaasi oo uu qaadanayo hadba labada Gobolk kii Goola u hor dhaliya .
Ciyaarta galabta ayaa ad u kulul iyadoo labada koox ay is mariwayeen bale markii lasoo gaadhay bartamaha ciyaarta hore ayaa waxa gool laga dhaliyay Gobolka Togdheer iyadoo ay walina socoto xamaasada iyo kulaylka ciyaarta .
Ciyaaraha Gobolada waxaa loo kala sameeyay Group yo kuwaasi oo kala ah.
Group A
Togdheer
Maroodi jeex
Sanaag
Gabileya
Group B
Sool
Awdal
Saaxil
Hawd
Si kastaba ha ahaatee sanadkani waa uu ka duwan yahay sidii loo qaban jiray ciyaaraha gobolada somaliland iyadoo aad moodo inuu ka baaxad wayn yahay kuwii hore waxaan kamuuqata habsami iyo nidaam maamul oo aad aad u dheehan karto.
Abdirisaak Shabcaan
Maakhir Media Burco
