|

Wasaaradda beeraha Puntland oo dhisaysa ururka Beeralaydda Puntland+Dhagayso

Play

Garowe-MMedia-Waxa maanta kulan ku saabsan dhisidda urur ay ku midaysan yihiin beeralaydda Puntland iyo sidoo kale soo bandhigidda siyaasadda Puntland ee ku aadan beeraha ayaa maanta ka dhacey xarunta wasaaradda Beeraha iyo waraabka Puntland ee magaaladda Garowe.

Waxaana kulanka soo qaban qaabisey wasaaradda beeraha Puntland,iyadoo ay ka soo qayb galeen qaarkamid ah masuuliyiinta wasaaradda,ganacsatadda beeraha Puntland iyo masuuliyiin kale.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Beeraha Puntland Maxamuud Maxamed Shiikh Ibraahim oo furitaanka kulanka hadalo ka jeediyey ayaa sheegey in dowladda Puntland ay tixgalin gaar aha siinayso dadka cilmiga u leh Beeraha,waxaana uu hoosta ka xariiqey in ujeedka arintaasi ay tahey,sidii kor loogu qaadi lahaa tayada iyo wax soo saarka beeraha Puntland.

Dhanka siyaasadda beeraha Puntland oo wasiirku ka hadley ayuu ku sheegey in ay tahey mid sidii loogu talagaley u socota,waxaana uu cadeeyey in goordhow la soo bandhigi doono tiradda guud ee beeraha Puntland.

Dhisidda urur ay ku mideeysan yihiin beeralaydda Puntland ayaa inta baddan dadku waxa ay ku tilmaamayaan mid beeralaydda Puntland u horseedi karta,hormar iyo waxsoo saar tayo leh.

Faduma Abdirisak Cawad

Maakhir Media Garowe

Comments are closed