|

Inka badan 10-ruux oo ku geeriyootay qaraxyo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-MMedia -Ilaa 12-ruux oo isugu jira askar ka tirsan Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo dad shacab ah ayaa geeriyooday halka tiro intaasi kabadanna ay ku dhaawacmeen kadib markii labo qarax oo loo adeegsaday Miinada lagu aaso dhulka ay ka kala dhaceen nawaaxiga Isgoyska Sanca degmada Kaaraan iyo Isgoyska 4-ta darjiino degmada Yaaqshid ee gobolka Banaadir.

Qaraxa koowaad ayaa waxaa uu ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Sanca ee degmada Kaaraan kaasi oo galaaftay noloshada labo askari oo ka tirsan Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo 5-ruux oo rayid ah kuwaasi oo kusoo xoomay goobta ay miinadu ay ka qarxay halka 5-ruux oo isugu jira askar iyo dad shacab ah ay ku dhaawacmeen qaraxaasi.

Goobta ayaa waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan booliska dowladda KMG ah kuwaasi oo bilaabay inay howlgallo ka sameeyaan goobta uu qaraxa ka dhacay, waxaana ay gacanta kusoo dhigeen inka badan 10-ruux oo looga shakisanayahay inay ku lug lahaayeen qaraxyadaasi.

Saacad kadib ayaa qarax kale oo miino waxaa ka dhacay Isgoyska 4-ta Darjiino ee degmada Yaaqshid kaasi oo ay ku geeriyoodeen ilaa 5-ruux oo la tilmaamay in 3- ka mid ay ahaayeen askar ka tirsan Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya halka labada kale la sheegay inay ahaayeen dad rayid ah, iyadoo sidoo kale la sheegay in dhaawaca uu intaasi ka badanyahay.

Sidoo kale Isgoyska Tarbuunka degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa waxaa iyana ka dhacay qarax miino kaasi oo ay kasoo baxayaan warar is khilaafsan oo ku aadan sida uu u dhacay, iyadoo wararka laga helayo dadka deegaanka ay sheegayaan in qaraxaasi miinada lagu qarxiyay askar ka tirsan Ciidamada DKMG halka gudoomiyaha degmada Hodan ee dowladda KMG ah oo ay Shabelle la xiriritay uu tilmaamay in Ciidamadu ay ka war heleen Miino ku aasneyd Isgoyska Tarbuunka kadibna ay qarxiyeen.

Qaraxyadaani is xig xigay oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay imaanayaa xilli xalay Isbitaalka Hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir gaar ahaan qeybta lagu daweeyo caruurta uu ka dhacay qarax aad u xoogan oo ay dhaawacyo kasoo gaareen bukaano halkaasi jiifay.

Source Shabelle.

Maakhir Media Muqdisho

 

Comments are closed