|

Ismaamulka Itoobiya oo Agab Kala duwan Kasoo Iibsaday Biljam iyo Japan

Jigjiga(MMedia) Gaadiidkan manta soo gaadhay magaalada jigjiga ayaa u kala qaybsan 3 nooc oo ay ka mid yihiin qalabka culculus ee wadooyinka sameeya sida Graider Loader Excavator iyo Roller , sidoo kale 4 ampulanceyo iyo 15 toyota pickup ah oo iyaga loogu talo galay 15kii degmo ee cusbaa.

Guud ahaan gaadiidkan kala duduwan ee isugu jira Gaadiidka Culculus ee sameeya Wadooyinka iyo Gaadiidka yaryarba ayaa loogu talo galay in ay ka qaybqaataan horumarinta huwan dibucurashada ee ka taabo gashay guud ahaan degaanka si siman,si loo horumariyo magaalooyinka ddsi ayaa ku kala jihaysan Magaalada Jigjiga,Fiiq iyo 15kii Degmo ee Dhawaantan la ansaxiyay.
Faahfaahinta Qalabkan Gaadiidka Cusub ayaa Qoondahoodu ku kala wajahan yahay Maamulka Magaalada jigjiga ayaa leh 6 ka mida Gaadiidka Culculus ee Wadooyinka kuna ku Baxday Miisaaniyad lacageed oo dhan 29Milyan oo bir,halka Xafiiska Jidadka DDSI uu leeyahay 2 kamida oo ah Graider kuna baxday Miisaaniyad lacageed oo dhan 14milyan.Sidoo kale gobolka Fiiq ayaa leh qaybta ugu badan ee ka mida Qalabka oo ay ku baxday adduun lacageed oo kor u dhaafaya 48 Milyan lagana Bixiyay miisaaniyada gobolka  Fiiq loo qoondeeyay sanadkan,waana magaalada Qalabkeedu ugu Qiimaha Sareeyo,taasoo xaqiijinaysa Qorshaha horumarineed ee ay Xukuumadu ugu talo gashay laga soo Bilaabo sanadkii tegay ee 2003 T.I,taasoo loogu talo galay in ay yarayso baahidii wado la’aaneed ee ka jirtay Gobolka Fiiq,sahli doontada isu gooshida adeegyada horumarineed ee dhinacyada Waxbarashada,caafimaadka,biyaha iyo adeegyada kalaba.
Dhanka kale Waxaa Qalabka ku jira 15 Gaadhi oo ah Nooca loo yaqaan Toyota Pickup oo Laga Soo iibiyay Dalka Japan kuna Baxday Aduun lacageed oo Cagacagaynaya 15,500,000(Shan iyo Toban Milyan iyo Shan boqol oo kun Birr),15kan gaadhi ayaa iyaga loo Soo iibiyay Maamulada 15kii Degmo ee Cusbaa,si ay Doorkooda uga qaataan Adeegyada Horumarineed ee Degmooyinka,una Xaqiijiyaan Himilooyinka Maamulka Suuban ee ku wajahan Adeegbixinta shacabka.
Sidoo kale waxaa ka mida gaadiidka Cusub ee Ay Xukuumadu Baadigoobka Iibka ugu tagtay dalka japan 4 ampulance oo ay ku baxday adduun lacageed oo dhan 4.5 milyan(Afar Milyan iyo Shan Boqol oo Kun),looguna fulinta adeegyada caafimaad iyo Gurmadka Degdega Bukaan jiifka degmooyinka,sida hooyada uurka leh iyo Bukaanjiifka Caafimaad daro la ildaranba,taasoo yarayn doonta dhimashadii hooyada uurka leh iyo bukaanka sii ildaran ee gurmadka gaadhsiinta hospitalka referalka loogu diro u baahanba,iyadoo 1kii ampulance uu heegan ku ahaanayo Xarunta caafimaad oo ay hoos imaanayaan 5 rug caafimaad xaruntii caafimaadba.
Qalabkan isugu Jira Qalabka Culus ee wadooyinka lagu Sameeyo iyo Gaadiidka ayaa ay ku baxday Guud ahaan Adduun Lacageed oo kor u dhaafaya 90,000,000(Sagaashan milyan),iyadoona Qalabka Wadooyinka Laga Soo iibiyay Dalka Belgium,Halka gaadiidkana laga soo iibiyay Warshada Toyota ee ku Taal Dalka Japan.
 
Inkastoo Qalabkan ay Qaar ka mida weli soo gaadhin Deegaanka kuna Sugan yihiin Dekada Dalka Jabuuti,ayaa Maalmahan Fooda inagu Soo haya la filayaa(Naawilayaa) in ay Dhamaantood soo gaadhi doonaan Magaalada Jigjiga ka dibna loo kala Diri doono Meelahay ku kala Jihaysnaayeen.

Isku soo wada duuboo gaadiidkan kala Duduwan ayaa wax wayn kia tari doona baahida loo qabo samaynta wadooyinka waawayn iyo fududaynta socdaalada iyo isgaadhsiinta Qaabdhismeedyada dawladeed ee 15kii degmo ee dhawaan la ansaxiyay,taasoo geedisocodka meertada Shaqo ee Dhinacyada horumarka xawliga ah lagu arkay degmooyinka cusub.
 
Maakhir Media Network

Comments are closed