|

Dabley hubaysan oo dhac u gaystay Shirkadda Golis ee Gaalkacyo

Gaalkacyo(MMedia) Galinkii dambe ee maanta ayaa dabley hubaysan waxa ay weerar ku qaadeen Shirkadda Isgaarsiinta Goolis, Xarunta ay ku leedahay Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan dhinaca uu ka taliyo Maamulka Galmudug.

 

Dablay ayaa lasoo warinayaa inay gudaha u galeen gudaha shirkadda Isgaarsiinta Goolis qeybteeda Magaalada Gaalkacyo, waxaana la tilmaamay in halkaasi ay ku dhaawaceen mid kam id ah shaqaalaha shirkadda Isgaarsiinta Goolis.

 

Qaar ka mid ah shaqaalaha Shirkadda ayaa waxa ay sheegeen in dablayda hubaysan ay ka qaateen 100-kun oo doolar-ka maraykanka ah, waxaana la sheegay in ilaa iyo iminka xaaladda goobta ay waxa ka dhaceen ay tahay mid kacsan.

 

Ilaa iyo iminka macadda halka ay kasoo jeedaan dableydii dhaca gaysatay, hase ahaatee warar hoose ayaa waxa ay sheegayaan in kooxahaasi ay kasoo jeedaaan deegaanada Maamulka Galmudug.

 

Mas’uul shirkadda Goolis u qaabilsan dhinaca Maamulka Galmudug oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxaa uu sheegay in wali ay baadi goob ugu jiraan cidda ka dambeysa dhacaani, isagoo tilmaamay in arrimahaasi ay kala kaashan doonaan laamaha ammaanka ee Maamulka Galmudug.

 

Arrintaani ayaa waxa ay imaanaysaa, iyadoo maanta Madaxweynaha Maamulka Galmudug Max’ed Axmed Caalin uu sheegay in aan loo dul qaadan karin hub sharci darro ah oo lagu dhex wato Magaalada islamarkaana Ciidamada booliska uu ku amray inay gacanta kusoo dhigaan cid waliba oo hub sharci darro ah ku dhex wadata Magaaladaasi.

Maakhir Media Gaalkacyo

Comments are closed