|

Golaha Guurtida Somaliland oo Meelmariyay In diiwaan Gelin La,aan Lagu doorashooyinka

Hargaysa(MMedia) Xildhibaanada Golaha Guurtida somaliland ayaa Maanta Cod aqlabyada ku meel mariyay Xeerkii dhawaan Golaha Wakiiladu ku laaleen Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Ka qayb qaadana doonaa Doorashada dhawaanka ka dhacaysa Somaliland

Fadhigii maanta oo uu shirgudoominayay Gudoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Guurtida Mudane Siciid Jaamac ayaa waxa ka soo xaadiray 41 Mudane kuwaasoo ka doodayay Xeerka Laalisat Diiwaangelinta waxaana dooda ka dib la qabtay Codayntii waxaana u Codeeyay ina la laalo Diwaangelintii 35 Mudane halka ay kasoo horjeesteen 5 Mudane Gudoomiyuhuna ma codayn

Waxaana halkaa lagu meel mariyaya in la laalay Diiwaangelintii waxaana doorashada Soo socota ee Golaha deegaanka lagu geli doonaa Diiwaangelin La,aan waxaana hore qorshahan hore u taageeray Ururada Cusub ee hada isdiiwaan gelin raba iyo Xukuumada Siilaanyo oo si taxadar leh usoo dhawaysay

Maakhir Media Hargaysa

Comments are closed