Xildhibaanada P/land oo Ansaxiyay Xeer Hoosaadka Baarlamaanka P/land
Garoowe(MMedia) Waxaana maanta soo xaadiray fadhiga Golaha dhowr iyo afartan Mudane kuwasoo 38 kamid ahi ogalaadeen in xeer hoosaadkaasi uu noqdo mid dhaqan gala.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland C/rashiid Maxamuud Xirsi ayaa saxaafada markii u kulankaasi soo gaba gaboobey kadib uga warbixyey xeerka uu maanta Goluhu meel mariyey.
Wuxuuna sheegay in xeer hoosaadkaas oo ka kooban 30 qodob ay Mudanayaashu kasoo doodayeen mudo 2-todobaad ah haseyeeshee ay maanta oo taariikhdu tahay 11/24/2011 ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen.
Mudane Cabdirishiid ayaa sidoo kale sheegay in Baarlamaanku uu horay ugu shaqeyn jirey xeer hoosaad 20 qodob ka koobnaa haseyeeshee la isku raacay in qodobo hor leh lagu daro kadib markii baahiyo dhowr ahi soo baxeen iyada oo la kaashanayo waaya aragnimada laga dhaxlay mudadii xeerkaas hore uu Baarlamaanku kusoo shaqeynayey.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa ugu danbeyntii sheegay in xeerkan cusub ee maanta ay mudanayaashu codka aqlabiyada leh ku meel mariyeeni uu yahay midka uu Goluhu ku shqeyn doono kaas oo dhigaya shuruucda fadhiyada Golaha, xiliyada la qabanayo iyo waxba walba oo shaqada Golaha ku saabsan.
Baarlamaanka Puntland oo kalfadhigiisii 27-aad uu magaalada Garoowe uga furan yahay ayaa intii bishan lagu guda jirey meel mariyey xeerar badan halka ay kuwa kalena soo celiyeen waxayna asbuucan keliya gudihiisa ansixiyeen ku dhowaad 6 xeer oo kala gedisan.
Maakhir Media Garoowe
