|

Galmudug oo Jawaabtay P/land (Afhayeenka Galmudug)

Gaalkacyo(MMedia) Maamul-goboleedka Gal-mudug ayaa ka hadlay eedeymo ay usoo jeedisay Dawladda Puntland oo sheegaya in Gal-mudug inta badan ka danbeyso amni-darada ka jirta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

 

Afhayeenka Maamul-goboleedka Gal-mudug Axmed Maxamuud Xasan[Baasto] oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in haba yaraatee Gal-mudug aysan lug ku lahayn eedaha Puntland usoo jeedisay maanta.

Mr Baasto ayaa sheegay in eedahaas Puntland ay usoo jeedisay Maamul-goboleedka Gal-mudug-na uu ku tilmaami karo oo kaliya riyo ama qarow ay ku jirto Puntland gaar ahaana Xukuumada Faroole.

Isagoo ka hadlaayey Wareegtada Puntland ay soo saartay maanta ayuu Afhayeen Baasto sheegay in iyadoon la yahay deris,labada Madaxweyne Faroole iyo Caalin beesha caalamka meel ay joogto heshiis kuwada gaaray,wax dhibaato ah iyo dareen-xumana aysan jirin, wax laga wadahadlana aysan jirin in aysan fiicnayn in Wareegto la iska soo
saaro taas Gal-mudug waxa ay u aragtaa wax sal iyo raad-toona lahayn.

….”Wareegtada kasoo baxday Madaxtooyada Faroole waxaan ku tilmaami karaa wax amni daro ah oo Gal-mudug ay ku hayso Puntland majiraane, waxaase wareegtadaasi xusaysaa ayaan u maleynayaa in la kala garanwaayey Galgala,waayo meesha amni xumadu ka jirto ee iyagu dagaalka la galeen weeye…”ayuu yir Baasto.

Afhayeenka Maamul-goboleedka Gal-mudug Axmed Maxamuud Xasan [Baasto] ayaa sidoo kale xusay in Dawladda Puntland markii ay garan weyday si ay isaga qabato burcada faraha badan ee ka yimid dhanka Puntland ay Dawladdu dusha ka saareyso deegaano nabadi ka jirto sida Gal-mudug.

….”Dagaaladii ka dhacay Karkaar ama Rako-raaxo iyo dagaalada Somaliland iyo Puntland iyo kii ka dhacay Gaalkacyo ee dhexmaray dad degan Xaafadda Garsoor iyo Ciidamada Puntland in wax laga xumaado ay tahay in lagu saleeyo deegaan daris wanaag ka dhaxeeyo…”ayuu yiri.

Sidoo kale Baasto ayaa hoosta ka xariiqay in ay wanaagsanaan lahayd in wareegto la iska soo saarayo in qaab mas’uuliyadeed oo labada dhinac ah looga wadahadlo arimaha jira.

…”Haddii ay jirto eedi waxa ay ahayd in qaab mas’uuliyadeed ama goob joogayaashii maamul in loo wadahadlo,waxaa sidoo kale jirta Dawladda Federaal ah oo labada maamul hoostagaan baa jirta xiriir la maro ayey ahayde in shacab la kiciyo weliba aan orran karo Garoowe ayuu rabaa in ay noqoto Caasimadii Puntland,Gaalkacyona waxa uu wareegtadaas u rabaa in khalkhal iyo Colaada kaga abuuraan taasna waxa qaadaya
mas’uuliyadeeda kuwa qoray wareegtadaas…”ayuu sidoo kale yiri.

Beesha Caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa Afhayeenka Gal-mudug Mudane Baasto u sheegay in ay ogadaan in dhawaaqii kasoo yeeray Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ee hurinaya dhiilo-colaadeed ee gobolka Mudug wixii ka yimaada mas’uuliyadeeda u leeyahay Faroole iyo Xafiiskiisa Garoowe.

Gabagabadii ayaa Afhayeenka Maamul-goboleedka Gal-mudug Axmed Maxamuud Xasan[Baasto] sheegay in Maamul-goboleedkoodu diyaar u yahay wada noolaansho,deris wanaag iyo kuwii khal-khal gelinaya amniga in si wadajir ah looga wada hortago.

Si kastaba ha ahaatee hadalkaan kasoo yeeray Maamul-goboleedka Gal-mudug ayaa kusoo beegmaya xili maanta Dawladda Puntland soo saartay wareegto ay kaga hadlayso in Gal-mudug mas’uul ka tahay amni-darada ka taagan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Maakhir Media Gaalkacyo

Comments are closed