|

Wakiilka Somaliland u Fadhiya Dalka Kenya oo Geeriyooday

Hargaysa(MMedia) Alle ha u naxariistee waxa maanta cisbitaal ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday Wakiilka Somaliland ee Kenya Marxuum- Maxamed Axmed Nuur (Indho-buur) oo sida la sheegay muddo u jiifay xanuun hayay.

Alle ha u naxariistee Marxuum- Indho buur galabta ayuu ku geeriyooday Nairobi lama sheegin in dalkaasi lagu aasi doono iyo in maydkiisa loo soo duulin doono Somaliland.

Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismailia (Saylici) ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka geeriyooday wakiilkii Somaliland u fisheye dalka Kenya Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed (Indho-buur),
Sidaasna waxa lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada oo u dhignaa sidan:-“Madaxweyne ku xigeenka JSL, ahna ku simaha Madaxweynaha JSL, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylic) waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Qaraabadii, Ehelkii Asxaabtii iyo Shacbiga Reer Somalilandba isaga oo ka tacsiyadaynaayo Geerida naxdinta leh ee ku timid Safiirkii Somaliland u fadhiyey Wadanka Kiiniya MARXUUM MAXAMED NUUR AXMED INDHO-BUUR oo maanta ku geeriyooday Nairobi Kiiniya.
Madaxwayne ku xigeenku waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacabka reer Somaliland-na ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo Aamiin Aamiin.”

Wasiirka wasaarada arrimaha dibada Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland oo uu ka tacsiyadeynayo geerida Wakiilkii Somaliland ee Kenya Marxuum Maxamed Axmed Inodho Buur, waxaanu dhambaalkaas tacsida ah oo naga soo gaadhay wasaaradda uu u dhignaa sidan:-

“Wasiirka arrimaha dibeda Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar isaga oo ka tiiraanyaysan geerida naxdinta leh ee ku timid Maxamed Nuur Axmed (Indhobuur) oo ahaa wakiilka Somaliland ee Dalka Kenya, waxaa uu tacsi u dirayaa qoyskii uu ka baxay, qaraabadiisa, Jaaliyada Somaliland ee Kenya iyo ummadda Somaliland oo dhan, waxaanu wasiirku ilaahay uga baryayaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo Marxuumka isagana ilaahay raxmadiisa siiyo.”

Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa dhambaal tacsi ah u diray qosykii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum- Maxamed Axmed Nuur (Indhobuur) waxaanu Marxuumka ILAAHAY uga baryaya inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoyskii uu ka baxnay samir iyo iimaan ka siiyo.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiramaan Maxmed Cabdilaahi (Ciro) isla marknaan ah Gudoomiyaha Urur siyaasaeedka WADANI ayaa waxa uu Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Alle ha u naxariistee Sariirkii Somaliland ee wadanka Kiiniya Marxuum- Maxmed Ahmed Nuur (Idho-buur) ayaa maanta ku geeriyooday Magaalada Nairobi.Waxa sidoo kale tacsi taa la mida diraya

Gudoomiyaha Baanka weyn Citibank qaybtiisa Tanzania Jamaal Cali Xuseen Oo Dhambaal Tacsi Ah U Direy Safiirkii Somaliland U Fadhiyey Dalka Kenya Indho-buur Oo Geeriyooday.

Gudoomiyaha Baanka weyn Citibank qaybtiisa Tanzania Jamaal Cali Xuseen ayaa waxa uu dhambaal tacsi ah u direy Qoyskii, Eheladii, Qarabaadii iyo guud ahaan Shabakacabka reer Somaliland, isaga oo ka tacsiyadeynaya Geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Safiirkii Somaliland u fadhiyey dalka Kenya Marxuum Maxamed Nuur Axmed (Indho-buur) oo maanta oo ay taariikhdu tahay 20/11/2011 ku geeriyooday Dalka Kenya, kadib markii uu muddo bukaan-jiif ku ahaa Cusbitaal ku yaala Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

“Waxaan ILAAHAY uga baryey Marxuum-ka inuu naxariistii jano ka waraabiyo, eheladii, qoyskii iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland Samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin…………………..Aamiin”ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

INA LI LAAHI WA INA ILEYHI RAAJUCUUN

Maakhir Media Hargaysa

Comments are closed