|

Guurti ka soo Kala Jeeda Beelihii Ku Diriray Magaalada Ceerigaabo oo Maanta La Is Horkeenay

Ceerigaabo(MMedia) Shir ballaadhan oo maanta lagu qabtay magaalada Ceerigaabo ayaa si rasmiya loogu dhaariyey  Boqol oday oo ka ka soo kala jeeda waxgaradka beelaha  Koonfurta iyo Waqooyiga Ceerigaabo,si loo soo afjaro  shaqaaqadii dhex martay labadaasi beelood.
Xafladii dhaarta labada dhinac oo lagu qabtay dugsiga shaafici ee magaalada Ceerigaabo waxa ka qayb galay  wefdigii ka socday xukuumada Somaliland ee uu hogaaminayey  wasiirka arrimaha gudaha, Guddi ka socday Golaha Guurtida iyo ergooyin ka kala yimid gobolada Sool iyo Togdheer.
 
Waxa shirkaasi ka hadlay, Boqoro, salaadiin, Cuqaal, iyo aqoon yahano ka soo kala jeeda labada dhinac, waxaanay  halkaasi ka ballan qaadeen  nabad gelyo aan shuruud ku xidhnayn oo ay kula noolaadaan beelaha kale ee gobolka. Waxaanay labada beelood weftiga xukuumadda ka dalbadeen inaanay gobolka Sanaag ka tagin inta ay soo afjarayaan shaqaaqadan. Waxaanay intaa ku dareen in arrintaasi ay daawo u noqonayso wixii tabasho ah ee  dhinacyada ka jira.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane Axmed Cabdi Xaabsade ayaa  sheegay in dadka shaqaaqadu dhex martay ay yihiin wiil iyo abtigii waxaanu soo dhaweeyay go’aankan dhaarta ee labada beelood oo ka turjumaya sida uu sheegay hab dhaqanka ay bulshada Somaliland ku soo caano maashay.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Caraalle (Duur) oo shirkaasi ka hadlay ayaa ugu horayn u mahad celiyay dhammaan intii ka qayb gashay isu soo dhoweynta iyo turxaan saarka labada beelood, waxaanu tilmaamay inay xukuumaddu ka go’an tahay in gobol kasta oo khilaaf ka jiro in lagu xaliyo dariiqa wadahadalka.
Wasiirka arrimaha guduhu waxa uu ballan qaaday inaanay gobolka ka tegi doonin ilaa si dhab ah loo dhaqan gelinayo dhaarta iyo nabadaynta labada beelood,loona saari lahaa wixii tabasho ah ee jira.
Wasiirku wuxuu intaa raaciyey inaanay ceerigaabo ahayn afar beelood, ee ay tahay hal  beel ah oo reer Somaliland ah.
Waxa kale oo iyana halkaasi kahadlay Ergooyinka kale ee  ka yimid gobolada Sool iyo Tog-dheer.waxaanay soo dhoweeyeen  go’aankan u adeegaya dhinaca nabada iyo sida ay labada beelood u qaateen nabadda aan shuruuda ku xidhnayn.
 Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan iyo Xildhibaan Faadumo Jaamac Ileeye oo ka tirsan wefdigii  golaha guurtida kuna hadlayay magaca aqalka odayaasha ayaa wax laga naxo ku tilmaamay shaqaaqadii dhex martay labada beelood ee wada dhashay waxaanay sheegeen inay waajib tahay in la aaso wixii dhacay isla markaana laga taxadiro wax kasta oo keeni kara inuu dhiig daato.

Maakhir Media Ceerigaabo

Comments are closed