Soomaaliya oo loo gaajaysiinayo iyada oo ku fara adaygtay Islaamka!!!
(Xigasho Moheet.com) Waxaa indhawaaleba isa soo tataray qaylo dhaanta kasoo yeeraysa dawladaha dunida ee tilmaamaysaa heerka sare ee ay gaarsiisantahay macaluusha soomaaliya oo ay weheliso marmarka qaarkood buunbuunin aad u waaweyn.
Hadaba arintan oo aduunka intiisa badan ay dhinac uga wada eegeen bal aniga iyada dadka nala fikirka ah ee soo ururiyay maqaalkan waxaa nooga furan ra’yi kale anagoo ku salaynayna dhacdooyin xaqiiq ah.
Warbixintani waxa ay ka turjumaysaa in dawlada Soomaaliya loo diiday in lasiiyo gargaar ku filan shacabkeeda sababta oo ah iyadoo ku fara adaygtay diinta islaamka hadaba arinkani sidee ayuu ku bilaabmay.
Ugu horeyntii warkani waxa uu kasoo bilaabmay, sheeko yar oo aan ku sii weynen soomaalida taasi oo ahayd dil laba ruux. Hase ahaatee dhibka waxa uu ahaa markii lasheegay in ay ahaayeen laba qof oo ajnabi ah oo u dhashay Korea iyo muwaadin Ireland ah oo sitay dhalasho maraykan ah. Waxana ay shaqadoodu ahayd faafinta diinta islaamka.
Xiligaasi waxaa aad u badatay carada dawladaha reer galbeedka oo arintani u tilmaamay in ay tahay mid aan loo dul qaadan Karin oo ka hor iamanaysa bini aadan tinimada kadib markii ay sheegeen in sida labada qof loo dilay ahayd si fool, iyagoo madaxooda laga gooyey jirka intiisa kale, isla markaasina lagu tuuray safaaradii hore ee maraykanku kulahaa magaalada muqdisho.
Waqti yar kadib waxaa waraaq degdeg ah oo lagu soo diray Fax ay soo gaartay madaxtooyada DKMG ee Soomaaliya. Lama filaankuna waxa uu aahaa in warqadani ay wadatay astaanta QM iyadoo lagu soo qoray in QM ay ka xuntahay dilka labada ruux isla markaasina DKMG ay la kulmi doonto cawaaqib xumo hadii aysan arintan si degdeg ah wax uga qaban, lagana jari doono dhamaan noocyada gargaarka ah ee ay hesho dalwada. Dhab ahaantiina xilligaasi wixii kadanbeeyey waxaa bilaabatay in hoos loo dhigo kaalmadii lasiin jiray Soomaaliya.
Waxaana xusid mudan in dawlada soomaaliya ay diidmada gargaarka kala kulantay dawlada Itoobiya iyo ereteriya ee jaarka la ah soomaaliya, sababta oo ah maadaama diyaaradaha gargaarka laga soo dad gurayn jiray labadaasi wadan.
Hase ahaatee markii aan u barbar dhigno dawlada Koonfurta Suudaan ee dadkeedu ay u badan yihiin Kiristanka, oo iyaduna la kulantay abaarahan oo kale, waxaa aad u muuqatay in gurmad aad u wayn loo fidayay iyadoo laga kaabay noocyada kasta ay u baahan yihiin ilaa lasii biyaha noocooda safaysan ee ku jira quraaradaha. Deeqdanina waxay si toos ah uga imanaysay dawlada Itoobiya.
Taasina macnaheedu waxa ay tahay in Soomaalida lagu leeyahay waxa aad diideen in aad diintiina ka fogaataan hadaba lakulma dhibaatada abaaraha iyo masiibooyinka. Lakiin ma oga in ilaahay swc uu naga kor qaadi karo.
Dhacdada tan kadanbeysay oo ugu layaabka badan waxa ay ahayd kadib markii dawlada itoobiya ay soo bandhigtay doonitaanka dawlada Israiil ay ku doonayso in dhalinyarada Soomaalida ee da’doodu u dhaxayso 10-15 ah laga soo kexeeyo dalkooda loona ogolaadu in ay aadan dalkaitoobiya isla markaasina lasiinayo maliyad dhan 20,000 qofkii, waxaana dheer in bil waliba reerkooda loo dirayo mushahar. Hase yeeshee ujeedku u yahay in laga dhigo yuhuud, intaasina wixii kadanbeeyana loo qaado israaiil si ay yuhuudda ugu shaqeeyaan.
Jawaabta DKMG ee Soomaaliya waxa uu ahaa mid degdeg ah.
Kadib markii ay diiday arinkan oo aysheegtay in dawlada Itoobiya ay kafoogaato arimahan oo kale, balse ay ku handaday in talaaboyinkan kuwo lamid ah ay kasamayn doonto gudaha dalka Itoobiya.
Isla markiiba waxaa arintan soo dhex galay fariimo kale oo ay soo direen dawlada maraykanka iyo QM oo kala siday fariimo uso dhow.
Fariinta dhanbaal koowaad ee QM waxa uu xusayay in QM ay ka xuntahay dilkii loo geystay labadii ruux ee ajnabiga ahaa, isla markaasina DKMG looga baahanyahay in ay ilaaliso shaqaalaha ajnabiga ah ee ka hawlaga Soomaaliya, hadii kale ay qaadayso masuuliyada ka dhalan karta arinkan.
Dhanbaalka labaad ee ka yimi Dawlada maraykanka waxa uu ka dalbanayay dawlada Soomaaliya in ay ogolaato in ay soogalaan gudaha dalka kooxo masiixiyiiniyo yuhuud isugu jira oo wata ilaaladooda khaska isla markaasina uguta shaqooyinkooda si madaxbanaan oo aan la kantaroolin
Hase ahaatee dawlada soomaaliya oo dalbanaysaa fasiraad ayaa dhanbaal usii marisay dkmg wadanka Qatar taasi aay ku dalbanayaan in loo faahfaahiyo shaqooyinka ay kooxdani qabanayso, hase ahaate jawaabtu waxay ahayd in kooxdani ay furayso meelo koor loogu aqoodo dhalinta thaqaafada ay ka haystaan reer galbeedka isla markaasina lagu baro luqadda ingriiska ah ee saxda ah iyo waliba luqadaha kale ee ay doonayaan.
Lakiin waxaa iska cad in u jeedka Dawalda maraykanku uu sanay ahay baris luqad ama wax la xidhiidha balse uu yahay in la faafiyo diinta kiristanka ah iyaga oo wata magac kale.
Dhanbaaladda kala duwan ee wata u jeedooyinkaasi kuma ekeyn intaas oo kaliya hase ahaatee waxaa soo gaadhay dowlada Soomaliya dhanbaalka oo faariinta ku qoran laga turjuman karay in dawlada soomaaliya hadii ay diido noocyada kala duwan ee gargaarka oo ay ku irto faafinta diinta kiristanka ay la kulmi doonaan dhibaato iyo mashaakil aad u sareeya.
Waxana arintaasi ay walaac ku beertay DKMG ee Soomaliya oo iyadu u aragta in aysan ka maraamin kaalmada dawladaha reer galbeedka.
Waxaana amakaag ku noqday madaxda Soomaaliya iyo Qatar, kadib markii dawlada Qatar looga digay in ay wax gurmad ah siiso Soomaaliya, hadii ay arintan isku daydo iyadoo adeegsanaysa doonyo ay weerari doonaan burcadda Soomaaliada ay oo la wareegi doonaan
Xilligaasina waxay dawalda Carabtu go’aansadeen si sir ah in ay bilaabaan gargaar degdeg ah oo qarsoodi ah kaas oo loo gurmanayo shacabka soomaliyeed ee la go’doomiyay waxayna ay ugu talagaleen is ay udhaafaan dhibaatadan haysta ee uu ka dul qaadi kari Ilaahay SWC.
Intaasina wixii ka danbeeyeyna waxaa bilaabmay kaalmada dawlada Islaamka ee walaalahen ee ay u fidinayaan shacabka Soomaaliyeed oo ay ugu talagaleen in ay go’doomiyaan reer galbeedka.
Markii intasi oo dhan laga soot ago, waxaa tusaale cad kuu ah raashinka ay leedahay Hay’adda WFP ee ku xeraysan bakhaarada dekedda muqdisho ee loo diiday in loo qaybiyo, iyadoo ay ka dhasheen cayayaan iyo suus isla markaasina uu rashinku noqday mid aan la isticmaali Karin.
Hadaba ugu danbayntii waxa ay moogeen reer galbeedku in shacabka Soomaaliyeed uu u maqan yahay ilaahay SWC oo dhibkana kasaari kara xilliga uu doono iyo waliba sida ugu fudud.
Turjumiddi Siciid A. Baxwal
