Dhismahii Jaamacada Maakhir ee Badhan oo La Dhagax Dhigay Iyo Suldaan Siciid oo Ka Hadlay+Sawiro
Badhan(MMedia) Waxa saaka aroornimadii hore Bahda Saxaafada Maakhir.net booqatay jagadii loo qoondeeyay in laga dhiso Jaamacada Maakhir oo ay ka socoto abaabul ku aadan sidii loo oofin lahaa balanqaadkii xafladii jimacaha aa ahayd in dadka ku dhaqan degaanka Badhan ay iyagi bilaabaan dhismaha Jaamacada hormoodna ka noqdaan dhismaha Jaamacada dhagax dhigeeda
Waxaana dhagax dhiga Jaamacada Hogaaminayay Suldaanka Guud ee Beesha Suldaan Siciid Suldaan C/salaam iyo waxgaradka Gobolka kuwaasoo hadalo aad u qiima badan ka soo jeediyay goobtii ay ka socotay dhismaha Jaamacadu waxaana la arkayay gadiidka daabula agabka dhismaha oo aad u shaqanayay waxaanay dejinayaeen Dhoobo iyo Niis waxana bilaabmay in dhismimihii Jaamacada oo in mudo ah la dhowrayay dhiskeeda waxaana lagu bilaabay deeqdii Jimcihii lagu Uruuriyay shacabwaynihii Badhan deganaano deeqdaas oo dhamayd 230 loodh oo isugu jira Ciid,Niis, iyo Dhagax
Waxaana halkaa hadalkii ugu horeeyay kazoo jeediyay Suldaanka Guud Suldaan Siciid Suldaan C/salaam oo ugu horayn u mahadanaqay dhamaan dadkii ka qayb qaatay aasaaaska Jamaacada gaar ahaan Qurba joogta waxa kale uu aad u amaanay dadkii ku tabarucay dhulka iyo kuwii Jimcihii ku yaboohay dhaqalaha lagu bilaabayo dhsimaha oo aynu maantaba joogno oo oofiyay balanqaadkoodii isagoo Suldaanku ku amaanay Bulshada deegaanka oo iminka usoo jeesatay inaanay cid kale wax ka sugin oo iyagu wax qabsan karaan waxaanu ku maah mahay Biyo sabacadaada ayaa lagaga dhergaa waxa kale oo uu Suldaankaa mahadnaq u soo jeediyaya Saxaafada Gaar ahaa Maakhir.net iyo Somalichanel oo noqday Hormoodka saxaafada ka howlgadha Horumarka Deegaanka
Waxa kale oo hadalo kazoo jeedii goobtii dhismaha Jaamacadu ka socotay C/laahi Aadan Cabdi (Dhoore) oo ahaa qabanqaabiyihii Xafladii Jaamacada dhaqaalaha loogu Uruurinayay ee Magaalada Badhan kana mida Ardayda dhigata Jaamacada Magalaada Badhan waxaanau ugu horayu u mahadnaqay suldaanka Guud isagoo ku tilmaamay inuu yahay hormuudka Jaamacada waxa kale oo ku amaanay dhamaan dadkii u gacan ka gaystay Jaamacada oo uu sheegay in laga haqabixidoono baahidii xaga waxbarasho ee loo aadi jiray Gobolada Kale ee Soomaaliya

Agaasimaha guud ee Jamacada Prof. Sakariye Cismaan Awaare oo goob jooga ka ahaa Bud dhiga Jaamacada ayaa isaguna hadal kooban oo uu halkaas kazoo jeediayay sheegay in loo xilsaaray gudi ka shaqaysa sidii ay u maarayn lahayd deeqdan iyo cidii bixisay iaydoo loo adeegsan doono a in laga saxo oo computer lagu guro deeqda Jimcihii lagu deeqay Jaamacda ayaa gaartay 230 Lowdh una dhigata marka loo Rogo Lacagta qalaad ku dhowaad 6000 oo dolar
Waxaana hadalkii soo gunaanaday C/dale dheere oo ah odayaasha deegaanka ka caanka ah waxaana uu kula dardaarmay dhamaan shacabwaynaha Reer Maakhir iyo cidii gacan ka gaysanaysaba in loo baahan yahay waxaanu aad ugu dheeraaday qiimaha waxbarashadu lee dahay iyo dadka ka faaiidaystaa faaiidada bulsahda u lee yihiin isagoo sheegay in diinteena qiimaha badani ina farayso in waxbarashadu tahay shay aad u mihiima
Weriye C/risaaq Cali Belbel
Xafiiska Maakhir Media Badhan
