|

Dawlada Ingiriiska oo maal-gelisay dhisme cusub oo loo dhisayo ciidanka Xeebaha Somaliland

Hargaysa(MMedia) Dawladda Ingiriiska ayaa maal gelisay dhisme cusub oo magaalada xeebta ku taalla ee Berbera looga dhisayo ciidamadda ilaalada xeebaha Somaliland. Saraakiil ka socday Ha’yada MAG oo Ingiriis ah oo deeqdan ay soo marisay dawlada Ingiriiska iyo Hoggaanka sare ee ciidamada ilaalada xeebaha ayaa si wada jir ah dhagax u dhigay dhismahan.

Afhayeen u hadlay ciidamada badda iyo ilaalada xeebaha ee Somaliland ayaa ka waramay dhismahan kaydka hubka iyo ahmiyada uu u leeyahay ciidamadan ahaan, isla markaana ay muhiim tahay in la ilaaliyo dhismahan hay’ada MAG ugu deeqday ciidamada baddaha Somaliland, waxaana yidhi “Dhismahan loo dhisayo ciidan badda iyo ilaalinta xeebaha ee gobolka, ayna fulinayso hayada MAG aad ayaan u soo dhaweynaynaa dhismahan hayada MAG noogu deeqday, waanay mahad san tahay hayada MAG.”

Madaxa hay’ada MAG oo kulankii dhagax dhiga ka hadlay ayaa sheegay mashruucan loogu dhisayo ciidan ka badda xarunta keydka hubka iyo faa’iidada uu u leeyahay ciidamada, waxaanu xusay in hay’adoodu hore uga soo fulisay magaalooyinka Hargeysa, Gabiley iyo Mandheera keydad noocan oo kale ah oo loogu talagalay in ay ciidamadu ku keyd sadaan hubka, waxaanu sheegay in hay’adoodu sii wadi doonto taakulaynta ciidanka ay u fidiyaan.

Dhismahan cusub waxa ku jira qeybo loogu tallo-galay in lagu kaydiyo hubka ciidanka ilaalada xeebaha, waxa kale oo ay dawlada Ingiriisku hore u balan qaaday inay ciidanka ilaalada xeebaha ka taageerto dhinaca farsamooyinka casriga ah ee ay ku hawl gelayaan iyo tababarada ciidamada.

Maakhir Media Hargaysa

Comments are closed