Ciidamda Kenya Waxay Ka Mid Noqonayaan Kuwa Amisom(W/arimaha Debada Kenya)
Nairobi(MMedia) Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Kenya, Moses Watangula ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaariyay ciidammo ay ku xoojinayaan ciidamada Midowga Afrika (AMISOM) ee ka howlgalaya Soomaaliya.
Kenya waxay howgal milateri oo iskeed ah ku qaaday dalka Soomaaliya bishii lasoo dhaafay iyadoo ciidamadeeda ka talaabisay soohdinta labada dal u dhexeysa kaddib markii ay ku eedeysay Xarakada Al-shabaab afduubyo kala gooni-gooni ah oo laga geystay dalkooda.
Balse Xarakada Al-shabaab ayaa ku gacan sayrtay inay ku lug leedahay eedeymaha ku aaddan inay afduubyo ka geysatay gudaha dalka Kenya, iyadoo ku hanjabtay inay ka aargudan doonto Kenya.
Ciidamada Midowga Afrika (AMISOM) ee ku sugan Somalia ayaa waxay tiradoodu gaaraysaa 9,000 kuwaasoo ka socda dalalka Uganda iyo Burundi, balse waxay horay u codsadeen in tiradooda la kordhiyo si ay ammaanka Muqdisho u adkeeyaan.
Mr. Wetangula ayaa u sheegay inay diyaariyeen dhowr kun oo askari, kuwaasoo ay ugu talogaleen inay la howgalaan cidiamada Uganda, Burundi oo Muqdisho kawada howlgallo lagu soo celinayo nabadda Soomaaliya.
“Tani ma ahan wax dhib badan,” ayuu yiri Wantangula oo la hadlayay barnaamijka Network Africa ee ka baxa BBC-da. Isagoo intaas ku daray in dalkiisa ay ka go’an tahay inuu gacan ka geysto nabadeynta kusoo celinta dalka ay dariska yihiin.
Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo shalay oo Arbaco ay Nairobi wadahadallo ku yeesheen madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif iyo dhiggiisa Kenya Mwai Kibaki iyagoo isku raacay in si wadajir ah loola dagaalamo Al-shabaab
Maakhir Media Nairobi
