|

Goobihii Shalay Dagaalku Ka Dhacay ee Rako oo deganaanshiyo Laga Dareemayo

Boosaaso(MMedia) Goobihii shalay dagaalku ku dhexmaray labo beelood oo iska haya daaqa dooxada Medka Xinbiyaalood ayaa degan waxaana la soo sheegay inay weli halkaa isku horfadhiyaan maleeshiyooyinkii dirirtu shalay halkaas ku dhexmartay

Isimo,Odayaal iyo waxgaradka kazoo jeeda deegamadaas ayaa kusii qul qulaya goobihii shalay dagaalku ka dhacay si ay uga hortagaan inaan dagaalku sii balaaran ka dib markii ay ka war heleen ina gurnadyo soo kala gaarayaan labada Beelood ee walaalaha ah waxaana meesha ka muuqan kaalintii ay Dowlada p/land ku lahayd kala dhexgalka Beelahaas

Inkastoo ay yar tahay wararka laga helayo Medka Xinbiyaalood khasaarihii shalay ka dhacay ayaa hadana dadk ka ag dhow ay sheegayaan in khasaaruhu badana yahay waxaanay arkayaan dhaawacyo loo sii wado Qardho iyo Magaalooyinka ku hareeraysan

 

Dagaalkaas oo shalay  gelinkii danbe ka bilowday goobta lagu magacaabo ( Medka Xinbiyaalood) ayaa waxaa ku geeriyoodey 14-qof oo labada dhinac ka kala tirsan waxaana dhaawacyo kala duwani ay kasoo gaareen dad 10-qof ka badan kuwaas oo qaar kamid ah lasoo gaarsiiyey Isbitaalka guud ee gobolka Karkaar ee ku yaala degmada Qardho.

Dhinaca kale waxaa goobta ay wax ka dheceen xalay ku baxay waxgarad, Isimo, iyo Cuqaal labada dhinac kasoo kala jeeda kuwaas oo ujeedadoodu ay tahay sidii ay u kala dhex geli lahaayeen ciidamo weli isku hor fadhiya aagii uu shalay gabalku ugu dhacay si looga hortago in saaka markale ay dib dagaalo uga dhex qarxaan.

Wixii war ah oo kasoo cusboonaada xaalada deegaanka uu shalay dagaal beeleedka dadka badani ku dhinteen kuwa kalena ku dhaawacmeeni ka dhacay oo  ( Medka Xinbiyaalood ) lagu magacaabo  saacadaha soo fool leh ayaan idiin soo gudbin doonaa.

 Maakhir Media Boosaaso

Comments are closed